Dalka Waa Lakala Leeyahay & Dooga Soo Baxaye Doqon Iyo Nin Liitaaba Hays Daba Wareegaane Idaa Anaa Kaga Dambayn Damacu Yeelkiiye

0
1030

Waxaan aad ula yaabay mar aan arkay (akhriyay) maqaal lagu daabacay website reereedka QORILUGUD kuna taariikhaysan 15 Feb 2016 lana Publish gareeyay 10:28:43 Ciwaana looga dhigay XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA BERBERA & DAHCADADII DEKEDA CEEL-DARAAD maqaalkaas oo uu (ay) qoreen dad lagaranaayo oo ku adeegta qabyaalada & reernimada hadaba anoo qoraalkaas tix raacaya waxaan doonayaa inaan ka hadlo dhowr qodob oo ay uga dhigeen hal kudhig oo aan lahayn miisaan culus.

 

HAAMAHA SHIDAALKA BERBERA

 

Waxaynu wada ognahay in haamaha shidaalka lagala wareegay Total iyadoo ay kala wareegeen dawladan uu hogaamiyaha kayahay Siilaanyo, kadibna waxaa lwada ogyyahay in dawladan kulmiye markii wakhtigeedii soo dhawaaday ay door biday inay Haamaha & dhamaan Ilaha kale ee Dhaqaaleba ku wareejiso Haayado Private ah sid ay marka xilka loogala wareego uga hesho ilo dhaqaale sidaas awgeed waxay ku wareejisay Shirkado Private ah iyadoo ay dabada ka riixayeen howlwadeenada madaxtooyada oo uu hormuud kayahay Mr Moorgan iyagoo soo samaystay shirkado & magacyo macmal ah (Pronoun) oo ay kaga qayb galeen Share ka (Profit) ee laga helaayo haamaha waanay usuura gashay taasi in kastoo dadka deegaanka saaxil kasoo hor jeesteen hadana waxaa loo adeegsaday (Users) kasoo jeeda gobolka saaxil.

 

CIDA HAAMUHU U GACAN GALEEN

 

Waxaa wax lala yaabo ah in layidhaahdo Haamaha waxaa loo gacan geliyay niman ina cigaal wakhtigii uu hayay xilka kaga maslaxay hantida umada (waa ceeb) waxaasi waana wax laga xishoodo ina cigaal cidna kagama maslixin hantida qaranka waxaanu ahaa ahaa nin isku kalsoon waxaanu ahaa nin udhashay berbera oo aan cidna udaba fadhiisanayn kuwan aad afka ku taagaysaana waa ragii maalkooda/maskaxdooduba gashay wadanka waana ragii Ina cigaal hantidooda ku yagleelay dalkan maanta aad aragto labada nin ee meesha magacooda lagu soo qoray anoo aad uga xun in magacooda lagu soo xuso halkan waa Farnajo & cali Yaasiin waa aqoonyaho shaqaysta waana nimanka iska leh shirkadaha ugu waawayn dalka sida Amal/Jv & Etc mana aha rag wax uga baahan wax umadi leedahay waan wax laga xishoodo waxaasi waxaa haboon hadiiba aad cid maagsyo inaad wax macquula wax ka qorto.

 

 

UKUURGELIDA DHACDADII CEEL-GERDI

 

Cajiib!! Waxaa qoraalkaas lagu sheegay oo uu sheegay ninka qoray oo ah qof si cad loo garanayo maalintii Ceel-gardi wax ka dhaceen. Horta waxaa wanaagsan inaan laga leexan xaqiiqda ceel-gardi waxay berbera ujirtaa berbera 35/Km mana aha meel laga binayn karo Deked aanay ogayn Dowlad ama deegaanka saaxil waxaana jirta in wadanka loo kala deganyahay beelo/reero ceebna maaha taasi (dalka waa lakala leeyahay & dooga soo baxay iga durug waxaad doonaysaa damac xun weeyaane) ama u kuur gal ama how kuur geline halkaas wixii ka dhacayba waa la ogaa waana arin lagu wada socday mana aha wax suura gelaaya waxa rag wadaan waana deegaan & daaqsin rag iska leeyahay waxaanan idiin sheegayaa halkaas oo aan laga soo noqonayn weeye ee usheeg inta soo socota.

 

 

ZAAD LADIRAY & RAG LAMAGACAABAY

 

Waxaa halkan qoraalkan lagu sheegay nin masuul ah oo sharaf & karaamo ku leh berbera & guud ahaan somaliland waa Xusein Mohamoud Raage & Oday Guud Ahmed Mohumed Faarax (Lixle) waa karaamo la,aan in rag sharaf & cisi ku leh umada dhex deeda wax laga sheego waxaa qoraalkaas lagu xusay in ninka magaca (1aad( lihi uu diray lacag Zaad ah waxaa wax laga xishoodo ah shirkada Telesom waxay u darbantahay inay macmiisheeda udirto lacagaha iyadoo adeegsanays Zaad sidoo kale C/risaaq Dubad waa nin ganacsade ah oo miisaan culus ku leh berbera isla markaana ka midaa Users ka Dekeda isagoo kala soo baxa gaadiid & alaabooyin kala duwan isla markaana isticmaala lacag kabadn qadarka yar ee lasoo sheegay waana ceeb waxaas in laga hadlaa mana aha maanta mid laysu sheegaayo C/risaaq kuu yahay runtii intaas inkabadn inaan ka hadlaa waa karaamo la,aan.

 

 

DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH

 

Waxaan halkan digniin kama dambays ah uga soo jeedinayaa kuwa weli ku hamiyaaya inay deegaanka saaxil ka helaan boos ama meel ay cidhiidhsadaan waxaan idin leeyahay iyadoo aanu eegayno ama ixtiraamayno jiritaanka qaranimada somaliland & amniga wada noolaanshaha & dhaqanka guud ee inaga dhexeeya waxaan idin leeyahay waxaa wanaagsan inaad garawsataan wixii dantiina ah isla markaana aad kajoogsataan wixii aan dani idiinku jirin, waxaanan idiin sheegaynaa inaanu jirin dulqaad dambe oo aanu idiin haynaa isla arkaana aanu si cad idiinakaga jawaabi doono arinkaas ( waa hadii aad siku daydaan ficil dambe).

 

 

GEBEGABO

 

Waxaan idiin sheegayaa kuwii celgardi wax kasameeyay waxay joogaan guryahoodii oo kuyaala berbera waxaanay weli uyihiin diyaar inay cadawga kusoo duulay iska caabiyaan waxay keliya eegayaan ama ixtiraamayaan amniga & dadka maatida ah ee deegaanka balse waxay balan qaadeen inaanay marna faraha kalaabanayn arintaas waxaanan idiin sheegayaa maaha rag dhuumanaya ama cid iska eegaya waa niman jooga gurigoodii oo lagu soo duulay, waxaanan idiin sheegayaa maanta waa maalintii sida qaawan loo wada hadlaayay waa hadaad joogsan waydaan Mohamoud gahayr waa masuul xilal badan kasoo qabtay dalkan ilaa wakhtigii Ina Cigaal waana odayaasha ma dhaafaanka ah ee gobolka saaxil & guud ahaan dalka waana nin shaqadan hada uu hayo lagu keenay (XULASHO) iyadoo ay soo xusheen shirkadahan lagu soo wareejiay haamaha shidaalka waana lasoo hire gareeyay ee maaha nin sooba doontay shqadan waxaana xaal kasiinayaa soo hadal qaadkaas ay soo hadal qaadeen kuwaas Xiqdiga & buqdiga ku sifoobay ee xagxaganaya dadka sharafta leh, waxaa heegan loogu jiraa ilaalinta difaacida & duljooga dalka iyadoo gaar gaar loo kala deganyahay walee been laysuma sheegee inaan maanta nina lagu saaciday wax aanu xaq u lahayn waxaana haboonaa malaa intii aan wakhtigu dhamaan in laga faa,iidaysetee iyadoo lagu jiro xiligii Extension ka masoconayso damacan qaloocan ee lala soo baxay.

 

 

Wabilaahi Towfiiq

 

Abdi Abdilahi Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here