Dalka Kenya oo Maanta si weyn looga dabaal-dagay Ciidul-fidriga + SAWIRRO

0
1244

ciida kenyaa2Nairobi,(HargeisaPress) — Magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal dagay munaasaabada Ciidul Fitri, ayadoona Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha waa weyn ee ku yaallo magaalada Nairobi si ay u tukadaan Salaadii Ciida.

Sheekh Maxamed Suwaale oo ah imaamka Masaajidka weyn ee Jamia, ayaa salaadii Ciida ku tujiyey dad kumaan gaarayay oo maanta ku tukaday barxada Sir Ali Muslim Club ee ku taallo Xaafadda Stareha, ayadoona Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu qudbad dheer u jeediyay dadkii ka qeyb galay Salaadaas.

ciida kenya

Sidoo kale waxaa jiray Masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo Salaadii Ciida la tukaday dadweynahaas tirada badan, waxaana kamid ahaa (Kenya Parliamentary Majority Leader) Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada Kenya Aadan Barre Ducaale, Wakiilka Golaha Deegaanka Waqooyiga Eastleigh Cusmaan Cadoow Ibraahim iyo mudanayaal kale.

Xaafada Eastleigh ee Soomaalida badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi, ayaa maanta Iyana si weyn looga dabaal dagamay munaasabada Ciida ayadoona dad weyne aad u tiro badan ay Salaadii Ciida ku tukadeen Barxada Dugsiga Sare ee xaafada Islii (Eastleigh High School).

ciida kenyaa2

Dhanka kale, magaalooyinka waa weyn Gobalka Waqooyi bari Kenya sida Garissa, Wajeer iyo Mandheera ayaa maanta ayagana looga dabaal-dagay Munaasabada Ciida. Dadka ku dhaqan magaalada magaalada Gaarisa, ayaana iskugu baxay fagaaraha barxada Ciida ee magaaladaas.

Dadka ku nool magaalada magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta Kenya, waxey ayaguna si weyn u oogeen maanta farxada Ciida waxeyna iskugu soo baxeen goobaha lagu dhigo munaasabada Ciida.

Najah Mohamed Ali, Nairobi, Kenya
najah.moha@gmail.com | najah.moha@journalist.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here