Dalalka Beesha Caalamka Oo Joojinta Dagaalo Kale Oo Ka Dhaca Tuko-Raq U Xilsaaray Itoobiya Iyo Puntland Oo Weli Ku Mashquulsan Abaabul Dagaal

0
946

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dalalka beesha caalamka ayaa dawladaha gobalka Geeska Afrika ee IGAD u xilsaaray inay xaliiyaan dagaalada dhex maray dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay xogahani sheegeen wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika  ee ku bahoobay IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Warku wuxuu xaqiijiyay in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal la xidhiidha nabad raadintan iyo doonista ay Itoobiya ku doonayso inaan dagaal dambe dhicin  ku tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada uu ku soo qaaday Somaliland.

Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne-xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.

Sidoo kale dawladda Muqdisho ayaa hub iyo saanad milatari oo tiro badan maalmo dhawayd soo gaadhsiisay maamul goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY