Daily Nation oo Raila Odinga ku Tilmaamay Cod Xoog Leh oo Taageeraya Madax-bannaanida Somaliland

0
1018

Nairobi KENYA, (HargeisaPress) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa  Magaalada Nairobi ayaa maanta baahiyey in  Raila Odinga oo ah Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ODM  ee Kenya, uu  yahay cod xoog leh oo badhi-taari kara madax-bannaanida Somaliland.

Warbixintaas HargeisaPress ka  soo xigatay,  ayaa  Wargeyska Daily Nation xaqiijiyey  in Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo   lagu waday inuu ka soo qaybgalo shir maalgashi oo Somaliland dhowaan  ku qabatay Nairobi, hase ahatee uu dhoofay 11kii habeenimo.

Wargeysku wuxuu sheegay in Mr. Odinga oo  xiligan   ah Wakiil sare oo Midowga Afrika  u qaabilsan kaabashayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta, loo malaynayo inuu kulan gaar ah la yeeshay wefti ka socday dawladda Somaliland ka hor intii aan la qaban shirkii maalgashiga, waxaana la caddeeyey in Raila Odinga uu u han weyn yahay Somaliland.

Waxa kaloo,   Joornaalka  Daily Nation  weriyey in Bishii October ee la soo dhaafay  oo  xilka   midowga Afrika  loo magacaabay  Raila Odinga ay  xukuumadda Somaliland soo dhaweysay magacaabistiisii, waxaana khubarro u dhashay Somaliland ay madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyeen inay qaddiyadda aqoonsi raadinta la kaashadaan xulafadooda Midowga Afrika.

Warku wuxuu intaas ku daray in Raila Odinga uu si joogto ah u hoggaamiyey  dhaqdhaqaaqyo Kenya loogu boorinayey inay  u aqoonsato Somaliland dal madax-bannaan.

Warbixintu waxa kaloo ay intaas raacisay in Wasiirka Ganacsiga Kenya Peter Munya, uu isaguna taageeray aqoonsi raadinta  Somaliland xilligii uu ahaa  Badhasaabka Gobolka Meru.

Mr. Odinga wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare ee qaarada Afrika ka soo jeeda oo  xukuumadaha dalalkooda  u soo jeediyey  inay aqoonsadaan Somaliland oo uu ku dooday  inay waxtari doonto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

HargeisaPress News Desk – H

LEAVE A REPLY