Dahabshiil Group oo Lagu Casuumay Shir Waayo-aragnimada Ganacsiga caalamka la xidhiidha

0
1083

LONDON, (HargeisaPress) — Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Afrika oo dhan keligeed lagaga casuumay Shir lagaga hadlay kala-korodhsiga Khibradaha ama waayo-aragnimada Ganacsiga caalamka ee bilawgiisa uu aasaasay qof keliya ama qoys keligii ahi iska lahaa, isla markaana markii dambe ballaadhay oo u gudbay heer caalami sida Dahabshiil oo kale, kaasoo lagu qabtay magaalada London ee Waddanka Ingiriiska.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa isagu ka qaybgalay Shirkaas caalamiga ah oo ay ku kulmeen Shirkado waaweyn oo markii hore ku bilaabmay ama lagu aasaasay habka lahaanshaha Ganacsiga qoys keliya, sida Google, Dahabshiil, Ururro iyo Shirkado waawayn oo heer caalami ah. Shirkaas oo ku saabsanaa Ganacsiga Shirkado waawayn oo markii hore ku bilaabmay Ganacsi kooban oo qosy keliyi leeyahay, balse markii dambe ballaadhay oo noqday Shirkado waawayn oo dunida ka shaqeeya.

Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa markii uu shirkaasi soo idlaaday Axaddii toddobaadkan waxa waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, oo weydiiyey waxa shirkaasi ku saabsanaa ee lagaga hadlay; waxaanu ku jawaabay; “Runtii shirkani waxa uu ahaa Shir caalami ah oo London dhawr cisho ka socday, waa Shir ay Hay’ad Ingiriiska deggani ay samaysay (qabatay) waxa ka soo qayb-qaatay dad badan oo caalamka ka shaqeeya oo markii hore qof ama laba aasaasay Ganacsigoodam, ka dibna uu noqday heer caalami ah.”

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group waxa uu intaas ku daray; “Tusaale ahaan waxa ka soo qaybgalay Shirkadda wayn ee Google oo sidaad ogtahay ay aasaaseen qof iyo laba, maantana la odhan karo adduunka oo dhan baa laga yaqaannaa, waxaa ka soo qaybgalay Shirkado badan oo u badnaa Shirkado ka yimi Ingiriiska iyo waddamada Yurub. Markaa, annagu Dahabshiil ahaan Sharkadda Afrikaanka ah ee lagu marti-qaaday shirkaas baannu ahayn. Waxaannu ka hadalnay sida Shirkadaha Dahabshiil uu Aabbahay u aasaasay afartan sano ka hor iyo heerka ay gaadhay, markaa aad bay ugu faraxsanaayeen inay maqlaan.”

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo la weydiiyey ahmiyadda Shirkan uu ka qaybgalay laga lahaa ee ugu weyni waxa ay tahay, waxa uu yidhi; “Ahmiyadda runtii meesha laga lahaa waxay ahayd, tusaale ahaan sidaad la socoto Adduunka oo dhan Ganacsiga ama Baayac-mushtariga qof baa aasaasa, ka dibna Ganacsigu wuu ballaadhaa oo adduunka oo dhan buu qaarkii yimaaddaa. Markaa, Ganacsi ka bilaabmay Yurub, mid Maraykan ka bilaabmay, mid Afrika ka bilaabmay iyo mid waliba wuxu leeyahay Aqoon iyo waxa loo yaqaanno Waayo-aragnimo oo ay kala qaataan.”

“Sidaa darteed, dadkani waxay aad u xiisaynayaan in waayo-aragnimadaas Adduunka la kala korodhsado, laga yaabaa wax annagu aannu ka barannay dalkan, ama dal kale ama Afrika waayo-aragnimo aannu Dahabshiil ahaan ku aragnay inay naga korodhsadaan oo uu Google ama Shirkad kale wax u taro, ama arrin uu Google la kulmay oo kale ay annaga Dahabshiil ahaan na anfacdo oo wax noo tarto. Markaa, shirarka noocan oo kale ahi waa aqoon-korodhsi la doonayo in Ganacsiyada caalamku khibrad ku kala faa’iidaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Sidoo kale, Maamulaha Dahabshiil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey marka la eego Shirkadda Dahabshiil oo afartan sano ka hor Aabbihii Maxamed Siciid Ducaale aasaasay, isla markaana ku dhawaad soddon sano si muuqata uga shaqaynayey Soomaaliya oo burburtay, dawlad la’aan ku jirtay, dagaallo Sokeeye, kuwo qabaa’il iyo kuwo diimeed-ba ay ka socdeen, waxa ka duwan wixii Shirkadaha kale ee caalamku soo bandhigay ee ay Dahabshiil ahaan Shirkaa ku soo bandhigeen ee ay ka baran karaan shirkadahaasi, waxa uu yidhi; “Waa su’aal aad u muhiim ah, immika tusaale ahaan qoysaska Yurub oo kale waa Faamliyo kooban oo qof, laba ama saddex qof ka kooban, Qoysaska Soomaalidu waa kuwo aad u ballaadhan oo cid walba leh. Markaa, markaad ka hadashid ee aad tidhaahdo waddan baannu ka shaqaynaa fikradaha iyagu ka qabaan mararka qaar ay tahay fikir qalad ah.”

Cadirashiid oo jawaabta su’aashaas sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, markaad u sheegtid ee aad tidhaahdo Ganacsi baa ka shaqeeyo, oo Ganacsigayagu wuxu ka shaqeeya dhulka Soomaalidu degto oo dhan Jigjiga illaa Kismaayo, Gaarisa illaa dhinac walba u tiri meel kasta oo Soomaaliyi ku nooshay Dahabshiil baad ka helaysaa Gees illaa Gees wuu ka shaqeeyaa, dad baannu la shaqaynaa cid walba leh oo aannu ku xulannay Aqoontooda oo Shirkadda la shaqeeyo, qabiil kasta oo ay tahay Shirkaddu way la shaqaysaa, iyaguna way nala shaqeeyaan.”

“Markaa, markaannu waxaas ka hadalnay ee muujinnay waddan sidaas u ballaadhan oo aadkaa u kala fog, marka loo eego waddamada ay ka shaqaynayaan Shirkadaha Reer Galbeedku, runtii aad bay u xiisaynayaan, maxaa-yeelay? Waxa laga yaabaa inay aad uga kooban yihiin Shirkadaha Reer Galbeedku meelahay ka shaqeeyaan, meelaha aannu ka shaqayno marka loo eego aad bay uga kooban yihiin meelohodu. Markaa, runtii aqoon-is-waydaarsiga noocaas ah ayay Dahabshiil u doonayeen inay maqlaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo si faahfaahsan u sharraxay jawaabta su’aasha kor lagu weydiiyey.

Shirkadda Dahabshiil, ayaa marar badan oo hore ka qaybgashay shirar kala duwan oo caalami ah oo ka dahcay dacallada dalalka kala duwan ee dunida, kuwaasoo intooda badan caalamku kaga hadlayay ama kaga tashanayey arrimo la xidhiidha horumarinta Ganacsiga, kala korodhsiga khibradda iyo waayo-aragnimada, dirista ama xawilaadda lacagaha iyo qodobbo la hal maala.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY