Dagaalo ka Qarxay Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi Kadib Af-gambigii dhacay Shalay + DAAWO SAWIRRO

0
952
Bujumbura, (HargeisaPress) — Iska-horimaad culus ayaa maanta ka socda magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi, kaddib markii millaterigu ay shalay shaaciyeen inay afgambiyeen madaxweynaha dalkaas, Pierra Nukurunziza oo shir uga qaybgalayay dalka Tanzania.
 Mr Nkurunziza has ruled out delaying next month's elections
Mr Nkurunziza has ruled out delaying next month’s elections

Nkurunziza ayaa ku dhiirran waayay inuu dib ugu laabto caasimada dalkiisa, isagoo ka baxay in la dilo ama la qabto, waxaaan afgambigan cambaareeyay madaxda dalalka Bariga Afrika ee shirka ku lahaa Tanzania.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Burundi ayaa sheegaya in dagaalku uu xooggiisa ka socdo xarunta madaxtooyada iyo dhismaha telefishinka dalkaas uu leeyahay, iyadoo wararku ay sheegayaan inay dagalladan ay yihiin kuwo u dhexeeya ciidammo daacad u kala ah Nkurunziza iyo xubnaha afgambiga sameeyay.

Bujumbura 55

“Xabadaha waan maqlaynaa… waa rasaas aad u xooggan oo qoryaha culus iyo kuwa fudud isugu jirta… madaafiicna way dhacaysaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah hoggaanka ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Burundi oo lagu magacaabo, Pacifique Nininahazwe.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u maleynayaa in Ciidammo Daacad u ah Madaxweynaha Burundi ee la sheegay in la afgambiyay a isku dayayaan inay mar kale la wareegaan xarunta madaxtooyada iyo idaacadda.”

 Gen Niyombare delivers his radio address to the nation
Gen Niyombare delivers his radio address to the nation

Wararka ayaa iyaguna sheegaya in Xalay oo dhan magaalada Bujumbura laga maqlayay rasaas la is-weydaarsanayo, kaddib markii uu shalay idaacad ku taalla caasimadda Burundi uu kaga dhawaaqay Jen. Godefroid Niyombare in xukunka laga tuuray Nkurunziza oo uu ku eedeeyay xadgudub dastuurka ah.

 

Ugu dambeyn, Xaaladda Caasimadda Burundi ayaa ka duwan saakay sidii ay ahaan jirtay, iyadoo waddooyinka magaaladaas ay yihiin kuwo maran, dadkuna ay ku sugan yihiin gur-yahooda, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY