Dagaallo U Dhexeeyo Oromo iyo Soomaali Oo Ka Dhacay Moonyaale

0
906

Moonyaale (Hargeisa Press.com): Ugu yaraan shan ayaa  ku dhintay ilaa 13 qor oo kale na way ku dhaawacmeen dagaal degaanka Moonyaale ee xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya ku dhexmaray qawmiadayaha Soomaalida iyo Oromadda.

Dagaalkan oo la sheegay in uu shalay ilaa maanta socday, waxaa wararku sheegayaan in ay jiraan guryo, xafiisyo iyo meherado ganacsi oo la gubay. Boqolaal qof oo labadda dhinac ayaa la soo weriyay in ay dagaalkaas ku barakaceen.

“Shalay subaxdii markay saacadu ahayd 6:00 aroornimo ayay dagaaladu bilawdeen. Dagaalku ilaa hadda wuu socdaa, dawladda ama cid kaloo dhex gashay na ma jirto. Laba shacab oo walaalo ah, oo wada dega ayaa is dagaalaya”sidaas waxa yidhi C/fataax Maxamed, oo ah nin ku sugan degaanka Moonyaale oo la hadlay BBC.

Waxa kaloo ninkaasi uu ka waramay baaxadda dhibaatadda ka dhalatay dagaalkaas, waxaanu yidhi “Dhibaato aan la qiyaasi Karin ayaa ka dhalatay dagaaladaas. Saacadan aan kula hadlayo waxaa gubanaya guryo badan, dugsiyo waxbarasho iyo  xafiisyo. Meelo badan ayaa qiiq ka baxayaa.

Ugu yaraan shan qof way ku dhinteen. Tiro kaloo intaa ka bada na way ku dhaawacmeen. Barakac fara bada na wuu jiraa. Markaa xaaladu way is-bedeshay, oo sidii shalay ma aha, maanta way ka sii daran tahay ba”.

C/fataax Maxamed, ayaa intaas ku daray in boqolaal qof ay dagaaladaas ku barokaceen, waxaanu yidhi “Dadka barakacay waxaa lagu qiyaasi karaa boqolaal qoys, oo isugu jira haween, caruur iyo dad waayeel ah inta ba. Dadkaas qaar waxay u carareen dhinaca Itoobiya, qaar na dhinaca Kenya”.

Dhinaca kale ma aha markii u horaysay ee degaanka Moonyaale ay dagaalo ku dhex maraan qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda, sababta keentay in dagaaladaasi ay soo noq-nqodaan ayaa lagu tilmaamay degaankaasi oo labadda qawmiyadood mid waliba dhinaceedda u sheeganayso.

Sida uu sheegayo C/fataax Maxamed,  “Dhibaatadda ugu weyn sababaysa in dagaaladan u dhexeeya Oromadda iyo Soomaalida ay soo noq-noqdaan waxaa ka mida, dhul balaadhsi.

Dhinaca  Oromadda waxay leeyihiin dhulka anaga ayaa iska leh, dhinaca Soomaalida na, waxay leeyihiin dhulka anaga ayaa iska leh”ayuu yidhi C/fataax.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here