Dadweynaha Macaamiisha Shirkada Isgaadhsiinta Somtel Oo Soo dhaweeyay Munaasuibada Ciidal-fidriga Awgeed Adeega Isgaadhsiinta Somtel

0
1133

Hargeysa,(HargeisaPress) — Dadweynaha Macaamiisha Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ee Guud ahaanba dalka Somaliland gaar ahaana Magaalooyinka waaweyn ee Degmooyinka iyo Gobolada ayaa,siweyn usoo dhaweeyay, Isticmaalka Adeega Isgaadhsiinta Shirkada Somtel, marka layidhaa kuhadalka
Moobilka, oo dadweynuhu kaga haqab baxeen baahiyaadka ay u qabaan in lahadlaan araabadooda,ehelkooda iyo asxaabtooda Munaasibada Ciidal-fidriga awgeed maadaama ay dhameysteen Bishii barakeysneyd Ramadaan oo ay soo soomanayeen farxada ciida awgeed.

Qeybo badan oo kamid ah Macaamiisha Dadweynaha Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo lasoo xidhiidhay Shabakada Wararka hadhwanaagnews ayaa, sheegay in ay laba qodob oo muhiim ah usoo dhaweynayaan guud ahaanba Isticmaalka Adeega kuhadalka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel kuwaas, oo
kala ahaa in ay Munaasibadaha Ciidaha oo kale ay fursad badan u helaan marka ay ku hadlayaan adeega Somtel oo aanu khadka Isgaadhsiinta Somtel laheyn habayaraatee,wax googo,o ah iyo mashquul badan oo dhinaca hawada ah maadaama intii loogu talagaley badan tahey,iyo ku shubashada adeega kuhadalka Moobilka oo halkii dollar ku haynayo ama aad kula hadli karto eheladaada laba boqol iyo konton daqiiqadood,waxaana Suurtagal ah in caawoo kale Munaasibada Ciidal-Fidriga ay Shirkada Isgaadhsiinta Somtel kaga fiican tahey boqolkiiba boqol Shirkadaha kale kuhadalka Moobilka iyo khadadka kale.

Waxa kale oo ay Dadweynaha Macaamiisha Shirkada Isgaadhsiinta Somtel siweyn usoo dhaweeyeen,in aanu wax mashquul ah galin marnaba khadka Isgaadhsiinta Somtel ee adeegyada casriga ah ee ila soo hadal,oo lagaa soo waci karo bilaash dhinaca dalka dibadiisa iyo dalka Gudihiisa labadaba, taas oo iyaduan u fududeysay Macaamiisha in ay kula xidhiidhaan Munaasibada Ciidal-Fidriga ehekladooda,qaraabadooda iyo asxaabtooda dhamaanba.

Gabagabadii Dadweynaha Macaamiisha Shirkada Isgaadhsiinta ah ee Somtel,ayaa sheegay in isticmaalka Shirkada Somtel ka farxiyay Munaasibada Ciidal-Fidriga oo aanay is waayin habayaraatee dadkii ay kula hadlayeen khadkaasi hadii ay ku sugan yihin dalka Gudihiisa iyo hadii ay dalka Dibadiisa joogaanba, iyagoo dhinaca kalena, aad usoo dhaweeyay isticmaalka adeega internetka oo isagu mar walba ka awood badan isticmaalka internetka ee Shirkadaha kale ee Somaliland laga isticmaalo marka la barbar dhigo ka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)
hiiraan2007@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here