Dadka dagga deegaanka Goray ee Gobolka gabilay oo bilaabay qorshe “Uhiili deegaanka”

0
1696

Fariin ku socota Maayarka Gabilay

Dadka dagga deegaanka Goray ee Gobolka gabiley oo iskood uqoday ceel biyo oo 60 saac qaatay harta geele waxaa u kacay oo qoday dadkii deegaanka lahaa waxay si wadajir ah u qodeen ceel dadka iyo xooluhuba maanafacaadsan doonaan hadii alle idmo mustaqbalka

deegaankan dadka dagaa tiradoodu way badan tahay xoolo badan iyo dad ba way ku noolyihiin waa deegaan dhul beereed ah oo wax soo saar fiican yeelan doona mustaqbalka ceelkan aan qodnay waxaa kharash ku baxay yahay ilaa $6000 60 saacadood ayaa la qoday deegaankani wuxuu u baahan yahay in hoos loo eego oo laba ceel oo kale loo qodo.

deegaankani wuxuu leeyahay 1 iskuul dadka dhigtaa kama badna 30 qof oo dadkii iskuulkii kuma dhiiranayaan inay galaan waxaa jira cunno yari ay u tagi laahayihiin caruurtu iskuulka gali lahayd.

“Fariin baanu u diraynaa Maayarka Degmada Gabiley Mohamed Amiin maayar deegaankani waa goobaha maamulkaaga hoos yimaada baahi badani way jirtaa waxaan jeclaan lahayn inaad hoos u eegto baahiyaha wixii awooda degmada kaga jawaabto dhinaca beeraha iyo dhinaca waxbarashaba hadii alle idmo”

Ahmed Sh ibraahim Jaamac

Ahmedyasin Sh cumar Ahmed

Xaamud cumar

Aamina Jaamac

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here