Dabley Xalay Baabuur Ka Af-duubtay Degmadda Gar-adag

0
924

Gar-adag (Hargeisa Press.com): Degmadda gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa xalay lagu af-duubay baabuur la sheegay in uu lahaa nin shiciba oo ka mida dadka degaankaasi ku nool.

Gaadhigaasi oo ay af-duubteen niman la sheegay in ay yihiin dhuxulaysato, ayaa loo aanaynayaa in ay kaga fal celinayaan  baabuur ay Dhuxul kaga soo gureen dhulka Buuralayda ah ee dhanka waoqooyi ka xiga degmadda Gar-adag.

Kaasoo ay xiligaa soo qabteen maamulka degmadda Gar-adag iyo masuuliyiinta wasaaradda degaanka Somaliland halkaas u jooga. Gaadhigan la af-duubtay waxaa mulkiile ka ahaa  Mahdi  Saleebaan Maxamed.

Hadaba, xildhibaanadda golaha degaanka Gar-adag iyo qaar ka mida cuqaasha degaankaasi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Sanaag iyo wasaaradda daakhiliga Somaliland oo ay ugu baaqeen in ay falalka noocan ah wax ka qabtaan.

Halkan Ka Daawo Warka Waxgaradka iyo Xildhibaanadda Gar-adag:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here