Dabley Hubaysan Oo Madaxa Ka Toogtay Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Booliska Laascaanood

0
1590
HargeisaPress Breaking-News..

Laascaanood, (HargeisaPress) —Laba Askari oo boolis ah kana mid ahaa ilaalada goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashada Somaliland oo ku taala gudaha magaalada Laascaanood ayaa goor dhawayd lagu dilay bariga magaalada laascaanood sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada laascaanood.

Labadan Askari ee booliska ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda sida naloo sheegay degaanka laascaanood ayaan wali faahfaahin laga bixin cida dishay iyo sababaha loo dilay toona,waxaase la xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen oo ilaalo ka ahaayeen goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashooyinka somaliland ee bariga magaalada laascaaood.

Labadan askari ayaa waxa soo weeraray dabley hubaysan oo Baaskoolado ku hubaysan,waxaana ay madaxa ka toogteen labadii askari ee ilaalinayay goobta,balse dableydaasi wax boob ah goobtii umay gaysan ay yaaleen sanduuqyadu.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa heegan culus la galayay magaalada Laascaanood,waxaaan dableydaas dilka gaysatay oo ka baxsatay goobta ay ciidamadu ku raad joogaan soo qabashadooda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here