“Dabaal-Degii Iyo Damaashaadkii 18-Ka May Waxaanu U Bedelnay In Aanu Dareen La Wadaagno Dadkeena Abaaruhu Tabaaleeyeen” Madaxweyne Siilaanyo

0
1058

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa fariin   ku aadan xuska munaasibadda 18-ka May  ee inagu soo foolka leh  u diray bulshadda reer Somaliland, taasi oo ah in aan la samayn doonin dabaal-degyo iyo wax fantasiye ah sidii sanadihii hore.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu xusay in 18-ka  May ay tahay maalin  ku weyn quluubta ummadda reer Somaliland, hase yeeshee  sanadkan la isla qaatay in loo bedelo qaadhaan ururin dadka abaartu saamaysana lala wadaago dareenkoodda.

“Xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-ka May   waa mid ku weyn quluubteena, mana jirto cid wiiqi kartaa. Hase yeeshee  dabaal-degii iyo damaashaadkii 18-ka May ee sanadkan 2017-ka,  waxaanu u   bedelnay doorkan in aan   dareen la wadaagno, isla markaana daryeelno dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen”ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo oo galabta warbaahinta dawladda kula hadlay xafiiskiisa.

Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ugu baaqay shacab weynaha reer Somaliland meel kastoo ay aduunka ka joogaanba in ay si balaadhan uga qayb qaataan qaadhaan ururinta. Waxaanu yidhi  “Waxaan ugu baaqayaa shacab weynaha reer Somaliland meel kastoo ay dunidda dacaladeedda ka joogaan in ay si xil-kasnimo leh,  xamaasad iyo xasanaad raadis leh uga qayb qaataan qaadhaan ururinta balaadhan ee gudiga 18-ka May  aan qaadhaan ururinta u magacaabay”.

“Barnaamijka qaadhaan ururinta waxaa looga gol-leeyahay  si aynu dadkeena abaartu saamaysay uga caawino mashaariic waaweyn oo ay kaga soo kabtaan  abaaraha aafeeyay, dhinaca kale-na ka hor-tag u noqon karta abaaraha soo noq-noqday.

Ugu danbayn waxaa nala gudboon  umad ahaan in aynu midayno maskaxdeena, muruqeena iyo maalkeena, isla markaana  aynu isku naxariisano si ILLAAHAY (SWT) uu inoogu naxariisto” ayuu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay madaxweyne Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here