Dab Khasaare Dhaliyay Oo Qabsaday Suuqa Ganacsiga Laascaanood

0
936

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Dab khasaar badan oo hantiyeed  dhaliyay ayaa maanta duhurnimadii qabsaday  qaybo ka mida suuqa ganacsiga ee magaaladda Laascaanood, kaasoo meheraddo badani ay ku shuf beeleen.

Dabkaasi oo aan ilaa hadda la ogayn waxa sababay ayaa waxa demintiisii si weyn uga qayb qaatay bulshadda magaaladda, iyadoo markii danbe uu halkaas soo gaadhay dab-demiska magaaladda oo bakhtiiyay meheradaas ganacsi.

Sida uu noo  xaqiijiyay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed (C/casiis Taarwale), oo aanu  wax ka waydiinay khasaaraha dabkaas ka dhashay, isagoo ku sugan magaaladda Laascaanood.

??????????

Waxaanu sheegay maayarku in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo dabkaasi uu sababay. Isagoo na u mahad celiyay dadweynaha magaaladda Laascaanood oo deminta dabkaasi si weyn uga qayb qaatay.

“Dabkaasi wuxuu kacay salaadii duhur markii lagu jiray. Meherado Sandaqado ah oo ka tirsan suuqa ganacsiga Laascaanood ayaanu dabkaasi qabsaday. Afar meheradood oo isku xiga ayaana gubtay. Wax khasaare nafeed ahi kama dhalan dabkaasi.

Dawlad hoose ahaan deminta dabkaasi waanu ka qayb galnay, isla markiiba na waxaa goobta soo gaadhay dab-demiska dawladda hoose. Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa shacabka magaaladda Laascaanood oo si weyn uga qayb qaatay deminta dabkaasi”.

C/casiis Taarwale, ayaa intaas ku daray in aan weli si cad loo ogayn waxa sababay ama uu ka dhashay dabkaasi, isla markaana ay ciidamadda amaanku baadhitaan ku hayaan sidii loo ogaan lahaa sababta keentay.

Waxa kaloo uu sheegay maayar Taarwale in dab-demiska magaaladda Laascaanood aanu awood ahaan ku filayn deminta dabka xooga leh, hase yeeshee sanadka soo socda ay u qorshaysan tahay in ay dhamaystiraan dab-demiskii ugu waynaa ee magaaladu yeelato.

Geesta kale maayarka magaaladda Laascaanood waxa uu sheegay in  qorshe laga yeelan doono sidii loo caawin lahaa ganacsatadii meheradahoodu gubteen si ay dib ugu bilaabaan ganacsigoodda.

“Waanu ka tashanaynaa dadkaas dhibku gaadhay sidii loo caawin lahaa. Wixii awoodayadda ahna ka dawlad hoose ahaan waanu gaadhsiin doonaa. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa ganacsatadda magaaladda iyo cid kastoo wax tari karta dadkii ganacsigoodu ka gubtay in ay ka qayb qaataan sidii loo caawin lahaa”.

 

Hargeisa Press/Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY