Daawo: Xildhibaan Ismaaciil Cagoyare Oo Si Adag Uga Hadley Heshiiska Dekadda Berbera

0
800

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Ismaciil Cago yare oo ah Guddoomiyaha Guddi hosaadka Golaha Degaanka Caasimada Somaliland Ee Hargeysa oo markii ugu horeysay ka hadley Heshiiska Dekadda Berbera Ee Shirkada DP World,isagoo Xukumada Madaxweyne Silaanyo ku dhaliilay qaabka ay u gashey Heshiiskaasi, isaga oo uu ku tilmaamey inuu Mugdi ku jiro,sidaasi daradeed loo baahan yahay inay usoo bandhigto Shacabkeed iyo Hayadaha Sharci dajinta ee arrintani ay khuseyso,si markaasi loogu qanco.

 

Sidoo kale Xildhibaan Ismaciil Cago yare waxa kale oo uu Tilmaamey in Heshiiskaasi Shirkada DP World Ee ay Xukumada Madaxweyne Silaanyo la gashey uu yahay mid Dekaddii hore lagu Wareejinayo,isagoo u soo jeediyey Shirkada Dp World inay Dhisto Dekadd Cusub.

 

Dhanka Kale Xildhibaan Ismaciil Cagoyare isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Xukumada Madaxweyne Silaanyo uga Digay Shirqool lagu Wado Qaranimada Somaliland,isagoo ugu baaqey in Heshiiska Dekadda Berbera aan Lala Cararin,islamarkaasina aanu noqon mid noqda Xoriyadii Somaliland Ee 1960 Koonfur Bilaa Shuruud loo geeyey.

 

Halkan ka Daawo Xildhibaanka oo Ka Hadlaya Arrimahaasi.

 

Hiraalnews.com

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here