DAAWO: Wasiirka Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada Oo Xilka U Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Iyo Agaasimihii Hore + SAWIRRO

0
1545

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Shaqalaysiinta iyo Arimaha Qoyska Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa Maanta Xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Sahra Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaasi Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse)

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Shaqalaysiinta iyo Arimaha Qoyska JSL, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Xildhibaanno, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada, Isku-duwayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/7RpNIP55l58

HALKAN KA DAAWO SAWIRADDA

 

 

LEAVE A REPLY