Daawo: Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Lala Yeeshay Xoghayaha Xisbiga Waddani

0
909

Hargaysa (Hargeisa Press): Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga Waddani ayaa markii u horaysay ka hadlay nidaamkii sharci ee loo maray magacaabista xilkiisa, kaasoo bulshadda qaarkood ku tilmaamaan in loo maray dariiq aan shuruucda xisbiyadda waafaqsanayn.

Khadar Xuseen Cabdi, ayaa isagu ku dooday in qaabkii loo maray magacaabista xilkiisa ay ahayd mid sharciga waafaqsan, isla markaana uu guddoomiyaha xisbiga Waddani xaq u lahaa soo deejintii isaga xilka loogu doortay.

Xoghayaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani oo uu waraysi dheer la yeeshay telefishanka Goob Joog, ayaa waraysigaasi kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ee xiligan iyo arrimo kale.

Waxa kaloo Khadar Xuseen Cabdi, waraysigaasi uu kaga hadlay  doorashooyinka, saami-qaybsiga xukuumadda Somaliland,  shirkii aragti wadaaga soomaalida ee dalka Jabuuti, iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Waraysigaasi:

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here