Daawo: Sawirro Soo Dhawayntii Weftiga Madaxweynaha Somaliland Ee Burco

0
1172

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaana soo dhawaynta weftiga madaxweynaha ka qayb qaatay boqolaal ka mida dadweynaha ku dhaqan magaaladda Burco, kuwaasoo si weyn u muujiyay isu soo bax balaadhan oo ay ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Iyadoo si aan kala had lahayn ay bulshadda magaaladda Burco uga wada qayb qaateen soo dhawaynta weftiga madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kaloo soo dhawayntaasi iyag na si weyn uga qayb qaatay, isla markaana dadweynahaasi soo abaabulay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco iyo sidoo kale madax dhaqameedka iyo waxgaradka gobolkaasi.

Halkan Ka Daawo Sawirradii Soo Dhawaynta Madaxweynaha ee Burco:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here