DAAWO SAWIRRO: Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Al-shabaab Oo sheegatay qaraxa

0
1202

RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST5Muqdisho,(HargeisaPress) — Waxanu halkan idinku soo gudbinayna Sawiradii iyo sidii uu udhacay qaraxkii ismiidaamin ah ee lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidanka AMISOM ayna ku dhinteen 20-qof oo shacab wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa meel ku dhow deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegay Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen hoggaamiyihii laga dilay ee Axmed Godane.

SOMALIA-BLAST-ISLAMIST

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay qaraxii maanta ku dileen saraakiil isugu jiray Mareykan iyo Koonfur Afrikaan, kuwaasoo uu xusay inay tababar ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho.

RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST

Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxan, sidoo kale AMISOM ayaan iyaduna ka hadlin, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkaas laba ka mid ah askarta AMISOM.

Sidoo kale, Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay soddomeeyo qof oo rayid ah, kuwaasoo la socday laba gaari oo kuwa dadweynaha ah oo midkood uu ku socday degmada Afgooye halka kan kalena uu kusoo socday Muqdisho.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa dadkii ku geeriyooday waxay isugu jireen dad waaweyn iyo carruur, iyadoo uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab fuliso tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii Axmed Godane.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here