Daawo Sawirada Qaabkii Magaalada Hargeysa Saaka Looga Xusay Xuska Maalintii Dhagaxtuurka Dhalinayraddii UFO

0
1479

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxaa gabi ahaanba saaka  siweyn looga xusay guud ahaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland maalintii dhagax tuurka dhalinyaraddii UFFO oo ku beegnayd 20.2.1982-kii waxaanay noqotay maalintani maalin loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.

Waxaa maalintani ay noqotay maalin ku suntan horseedna ka ah halgankii dheera ee dadkan iyo dalkanba lagu xoreeyay ee ay naftooda u hureen dhalintii wakhtigaasi joogtay.

 

Xuska maalintan oo siweyn looga xusay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi,jeex ayaa waxa lagu qabtay goobta taalada u ah maalintan ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex.waxaana badiba ka soo qayb galay xuskan dhalinyarada da’da yar ee reer Somaliland.

Sidoo kale waxaa xuska maalintani qayb weyn ka ahaa ciidanka booliska oo iyagu heegan ugu jiray sugida amniga maalintani,ciidamada nabad-galiyada wadooyinka, ciidanka Baanboyda oo tumayay heesta calanka, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Waxaanay dadkani socod lug ah ku soo mareen iyaga oo ka soo dhaqaaqay barxada hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha wadada halbowlaha ah ee hor  marta madaxtooyada Somaliland, iyaga oo sitay boodhadh iyo calamaan ,sidoo kalena madaxa ku duubtay calanka qaranka Somaliland.

Dhalinyaradan maanta iskugu soo baxday xuska maalintan oo loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa iyaguna waxa qayb wayn ka ahaa dhalinyarada xilalka ka haya xukuumadda Somaliland.

Magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa waxa lagu soo waramayaa in xuskan maalinka dhalinyarada Somaliland ee loo asteeyey inay noqoto 20,bisha Febarwari oo ku beegan maalinkii dhagaxtuurka dhalinyarada laga xusay gabi ahaanba magaalooyinkaasi iyaga oo ay iskugu soo baxeen xuskaasi dhalinyarada da’ yarta ah ee ku dhaqan magaalooyinkaasi.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here