Daawo Sawirada Qaabkii Magaalada Hargeysa Maanta Looga Xusay Maalinta Dhalinyarada Somaliland

0
2803

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxa magaaladda Hargeysa iyo goboladda Somaliland si weyn loogu xusay maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo sanadka kasta bisha February 20-keedda la dabaaldego.

Xuska maalinta dhalinyaradda waxa ka soo qaybgalay dhalinyaradda Somaliland, gaar ahaan ardayda dugsiyadda sare, ururkii UFFO ee ay ka dhalatay maalintan, daladda dhalinyaradda ee SONYO iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Dhalinyarada oo ay hor socdeen ciidamadda Maanboyda ee miisikadda tuma waxay lug ku tageen taaladda maalintan lagu xuso oo ku taalla maxkamadda gobolka Hargeysa hortoodda oo ah meeshii uu wiil kii ugu horeeyey ee maalintii dhagax-tuurka ku geeriyooday oo laga sameeyey taallo ka turjumaysa maalintaasi oo hadda laga dhigay maalin qaran oo dhalinyaradda Somaliland leedahay.

Waxaanay dadkani socod ku soo mareen iyaga oo ka soo dhaqaaqay barxada hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha wadada halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka ee hor marta madaxtooyada, iyaga oo sitay boodhadh iyo calamaan ,sidoo kalena madaxa ku duubtay calanka Somaliland.

Madashii taaladda dhalinyaradda waxa khudbado ka jeediyey gudoomiyaha dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, Cabdicasiis Siciid Saalax, wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo masuuliyiin kale oo ka sheekeeyey taariikhta maalintan ooah maalintii ay gadoodeen dhalinyaradda reer Hargeysa oo ay bilaabeen dhagax tuurka, iyagoo iska hor imaad weyni wakhtigaasi ku dhexmaray ciidamaddii xukuumaddii wakhtigaasi ee Siyaad Bare iyo ardayda dugsiyada, waxaanay ardaydani diidanayeen aqoonyano iyo macalimiin lagu xidhay magaaladda Hargeysa.

February,20,1982 kii ayaa ahayd maalintii ugu horeysay ee si toos ah iskaga hor yimaadaan ardaydii dugsiyada sare iyo ciidamaddii dawladdii Maxamed Siyaad Bare oo loo bixiyey maalinta dhagax tuurka waxaana maalintan loo asteeyey maalinta dhalinyaradda Somaliland.

Dhalinyaradda wakhtigasi dhagax tuurayey ayaa waxay ka xanaaqeeb dhalinyaro aqoonyahano ahaa oo la odhan jiray UFFO oo ka shaqaynayey dhinacyada horumarka oo xukuumaddii waagaasi xabsi dheer ku xukuntay, taasina ay dhalisay gadood dhalinyaro oo loo bixiyay maalinta Dhagax tuurka.

Halkan hoose ka daawo sawirada qaabka magaalada Hargeysa looga xusay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here