DAAWO: Sawir Qaadaha Caalamiga Ah Ee Reer Somaliland Yuusuf Daahir Soo Bandhigay Bilicada Iyo Horumarka Caasimada Hargeysa

0
2947
Daawo quruxda Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
Daawo quruxda Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
Hargeysa, (HargeisaPress) — Magaalada Hargeysa oo ka mid ah magaalooyinka sanadadan dambe sida weyn u sameeyay horumarka dhinacyada adeega bulshada iyada oo waliba ay magaaladu noqotay mid si weyn u fiday oo gaadhay meelo hore aanay dadku awal u degi jirin markii la waayay meelo ay dadku degaan taasina waxa ay magaalada u horseeday in uu magalaad ku yimaado korodh xad dhaafa. Bilicada Iyo Horumarka Ku Talaabsatay Mgaalada Hargeysa Caasimada Somaliland.

WAA MUUQALKA CAASIMADA SOMALILAND HARGEISA DAAWO DACALADA HARGEYSA KU DOOGSADA DHULKA QURUXDIISA MAANSHA ALLA QIIMA BADANA DHULKEENU……

 

quruxda Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
quruxda Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo

Magalaada Hargeysa oo waqtiyadii hore ahayd meel ay ku nool yihiin tiro yar oo dad ahi oo aan ka badnayn 200`000 qof hada waxa ku nool in ku dhow Hal milyan iyo badh, taasina waa ta sababtay in magaaladu inta badan ay noqoto mid saxmad iyo cidhiidhi badan leh magaalada Hargeyysa waxa ka jira ganacsi xoog leh taasi oo ay kala siman tahay dhamaan magaalooyinka kale ee Somalidu degto .

har4

Waxaana ganasigaasi u kala socdaa dhamaan dalka oo dhan waxana ka furan oo xarumo ku leh ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee adeega u qabta bulshada.Magaalada Hargeysa waxa ka furan ku dhawaa 11 Jaamacadood oo ay dhigtaan arday tiro badan iyada oo sanad walbana ay ka qalin jebiyaan arday badani.

Daawo quruxda wadooyinka Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
Daawo quruxda wadooyinka Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
Daawo wadooyinka Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo
Daawo wadooyinka Hargeisa oo la Sawiray Habeenimo

Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo si xaddhaaf ah ay uga socdaan dhismayaal dhaadheer oo quruxbadan dhibta ugu badan ee ay dadku ka cowdaan waxaa ka mid ah xaga Biyaha oo aanay jirin biyo ku filan magaalada oo wada gaadha. taasina waa ta keentay in ay magaalada biyaha u dhaamiyaan Booyado.

 

Wadada weyn ee Madaxtooyada Hormarta
Wadada weyn ee Madaxtooyada Hormarta

Qofka ay mudo hore ugu dambaysay Hargeysa waxa uu arkayaa markiiba oo ay indhahiisu qabanayaan waa dhismayaal dhaadheer oo cusub intooda badani kuwaasi oo ah Hotelo ay dadku degaan.

Daawo quruxda Caasimada Hargeisa waa goor fiida
Daawo quruxda Caasimada Hargeisa waa goor fiida

Hargeysa waxa ku yaala meelo laga raaco gawaadhida Basaska yar yar iyo kuwo waaweyn kuwaasi oo u kala baxa xaafada magaalada Hargeysa maadama ay adag tahay in ay dadku lug ku gaadhan, waxase maalmahan dambe ku soo biiray waa Tagaasi yar yar oo iyana lagu raacaayo qiimo jaban kuna gaynaaya meelaha aad u ubaahato, waxana keenay shirkado gaar ah sida Raaxo Taxi,Maroodi jeex Taxi iyo waliba Dalxiis Taxi kuwaasi oo aad arkayso iyaga oo kala leh calaamado kala duwan iyo midabo aanay dadku isku khaldayn.

Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa
Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa

Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee wax laga cabo ayaa ku badan magaalada iyada aad arkayso dhalinyaro badan oo koox koox u fadhiya meelahaasi sheekaduna ay si wacan isugu saaran tahay.waana astaamaha muujinaaya in ay magaalada ka jiro shaqo la`aan baahsani oo ay inta badan ka cowdaan dadka ku nool magaalada Hargeysa. waxana ay dhalinyarta ku kaliftaa in ay inta badan ka doodaan siyaasada aakhirkana keenta in ay tahriibaan.

Muuqaalka & Bilicda Magaalada Hargeysa oo fiida
Muuqaalka & Bilicda Magaalada Hargeysa oo fiida

Inkasta oo aynaan hal maqaal ku soo koobi karin muuqaalka guud ee magaalada Hargeysa hadana waxa aanu jeclaysanay in aanu intaasi ku koobno qaybta hore ee aanu kaga waramayno muuqaalka magaalada Hargeysa.

Carwada Sacadadiin Super Market
Carwada Sacadadiin Super Market

Hadaanu nahay bahda Shabakada Caalamiga ah ee HargeisaPress.com waxaanu ku hambalyaynaynaa Yusuf Daahir Sida wanaagsan ee uu soo bandhigay horumar laxaadleh ee ka socda Somaliland isagoo adeegsanaya Kamaradiisa.

 

Sawirqadaha weyn ee Yusuf Daahir
Sawirqadaha weyn ee Yusuf Daahir

Fiiro Gaar ah: Xuquuqda Sawirada Waxaa le Sawirqadaha weyn ee Yusuf Daahir

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here