Daawo Roob ka da’ay Wajaale oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay, Magaaladana Bandoo ka dhigay + SAWIRRO

0
1100

Wajaale, (HargeisaPress) —Ugu yaraan laba Ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen, qaar kalena ku dhaawacmeen, Sidoo kalena uu Hanti iyo Dhismayaal kala duwan waxyeelleeyey Roob xooggan oo Xalay ka da’ay magaalada Tog-Wajaale oo ku taalla Xadka isku xidha Itoobiya iyo Somaliland.

Roobka oo Daad badan soo rogay, ayaa Baabuur qaaday, isla markaana kala xidhay magaalada oo aan wax shaqo ahi ka socon, ka dib markii Koronta ama Laydhka la demiyey, waxaana kor u kacay Qiimaha lagu kala iibsado Tooshashka oo Iftiin ahaan looga isticmaalayey Wajaale, maaddaama oo aanay Koronto jirin xalay.

Warbixin uu ka soo diyaariyey Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo Horn Cable TV ka tirsan, ayaannu Muuqaalka Dadka Socda, sida wax u dhaceen, Dadka magaalada oo ka hadlaya, magaalada oo Mugdi ah, Baabuurta uu qaaday qaarkood iyo sida wax u dhaceen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

LEAVE A REPLY