Daawo Muuqaal: Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Soo Dhaweeyay Wada Hadalka Xukuumadda Iyo Mucaaradka

0
867

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Guurtida, ayaa soo dhaweeyey go’gashii wada-hadal ee xukuumadu u fidisay xisbiyada mucaarada Somaliland, waxaana uu sida oo kale xisbiyada mucaaradka uu uga mahad celiyey aqbalaadii ay aqbaleen go’gashaasi wada-hadal si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhin ay sameeyeen golaha Guurtida Somaliland. Isaga oo sida oo kalena ka hadlay dhawaaqyada ka soo yeedhaya beesha caalamka ee ku saabsan dib u dhaca ku yimi doorashooyinka.

Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Wariye Faysal Fifa oo ka tirsan Talefeeshanka Royal, waxaana uu sheegay in beesha caalamku aanay doonayn isla mar ahaantaana ogalayn dawlada Somaliland, isaga oo kula taliyey xisbiyada uu u socdo wada-hadalkuna in ay soo saaraan go’aan wax u tara qaranka Somaliland.

“Illaahow khaatumada na waafaji, halkaasi meel wanaagsan ayey maraysaa, xisbiyada mucaaradka ah ee awal markii hore madaxweynahu gogasha u fidiyey waa ay mahadsan yihiin, xisbiyada mucaaradka ah ee aqbalayna waa mahadsan yihiin,dabeecadii la innagu yaqiinay weeye, muranku waa immanayaa, waa shay aan lagu kala tageyn oo laga wada-hadlaa, maantana meel cidhiidhi ah ayeynu mareynaa, waxaan idin ku wacdiyeyaa si wanaagsan ha loo heshiiyo oo tanaasula, annagu Guurti ahaan xukunkii aanu ridnay mid aanu xaq u leenahay ayuu ahaa, in Guurtidu meesha ka baxdo iyo qalinkeedu meesha soo galo Labada mid weeye, waxba laga bedeli maayo go’aankii Guurtid, waa la heshiin doona, sida ay u soo dhigaana waa ay u socon doonta madaxweynaha iyo qoladaasi, annagu mudeynay oo na soo dhaaftay.”.Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Xildhibaan Cabdi Waraabe oo ugu danbeyntii hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu si kulul ula hadlay beesha caalamka, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan wax dan ah u wadin qaranka Somaliland.”Caalamku ma ogala in aynu dawlad noqonaba, waxba yaan la isu qarqarin ee ma ogala caalamku iyaga ayaa Koonfur gacanta ku haya iyaga ayaa ictiraafkeenii gacanta ku haya, xaga Illaahay ayey ka iman doonta, caalamku danteena ma wado ee Illaahay ayaa danteena wada, waxa weeye gobanimadeena in aynu illaashano weeye, khilaafkana innaga ayaa gacanta ku hayna, dawladnimadeenana la innoo yeedhin maayo, waxii inna dhex maray in aynu hadal ku dhammaysanaa weeye iyo isu soo dhawaan shiyo iyo kal-gacal, dawladana rageenaas ayaa u madax ah ee rageenaasi haddii aad isu tagtaan heshiiyo oo wax soo wanaajiya oo halka uu yahay hadalku abaara.”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here