Daawo Muuqaal: Wasiir Samaale iyo wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Hadlay Hadal Haynta Hankooda Musharaxnimo

0
865

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta qado sharafeed ku maamuusay Hogaanka dhaqanka ee Beesha ay ka soo jeedaan.

Wasiirada ayaa kulanka u jeedadiisa ku sheegay inay Xukumadda iyo horumarka Somaliland Is barbartaagaan iyo inay meesha kaga saaraan warar ku saabsan inay musharaxiinta Kulmiye ee wakhtigan isku taagayaan.
HALKAN KA DAAWO

Maxamed Biixi Yoonis oo Madaxda dhaqanka la hadlayay ayaa yidhi “Waxa ugu muhiimsan ee aynu maanta halkan iskugu nimid waxa weeye inaynu gacmaha isqabsano,Dawladdeena Somaliland dhisano oo Madaxweynaheena barbar istaagno oo meel uga soo wada jeedsano Qadiyada Somaliland,Citiraaf raadinteeda Horumarkeeda iyo himiladeeda”

Wasiir Cabdicasiis Samaale ayaa isna meesha ka saaray Musharaxnimadooda inta Siilaanyo leeyahay hanka hogaanka dalka “Sidaa Wallaalkay Maxamed Biixi Yoonis Idiin Sheegay waxaynu maanta iskugu nimid in haddii Warar been ahi Suuqa yaalaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa waa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.isagaanu hore u soo dhisnay,isagaanu imikana dhisaynaa, isagaanu daba taagannahay,isagaanu barbar taaganahay, isagynu dhamaanteen hiil iyo hooba horena ugu soo huray imikana u barbar taagnaanaynaa.Waynu iskaashanaynaa,waynu isgarabsanaynaa, waynu guulaysanay, kuwa dambena Bi idmillaahi waynu ku guulaysanaynaa.

Sidaas uu Maxamed Biixi Yoonis Sheegay, horena waanu u caddaynay haddana waanu ku celinaynaa inaan Hunguri naga hayn Kursiga Madaxweynuhu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo, waxaanu se caddaynaynaa Isaga dabadii han baanu leenahay waanuna tartamaynaa,taas cida diidan ama tartanka noocaas ah gali karayni saaxada inay banayso weeye” ayuu yidhi Wasiir Samaale

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay warar isa soo taraya oo sheegaya inay Musharaxiin madaxweyne isku diyaarinayaan Labadan wasiir islamarkaana Beeshoodu ku hawlan tahay soo xulista cida Doorashada isugu taagaysa.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY