Somaaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Jidka Hargeysa iyo Baligubadle + SAWIRRO

0
886

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Xadhiga ka jaray Wejiga 1-aad ee Jidka isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle.Jidkaasi waxaa haatan dhisan ku dhawaad 10Km.

saaaaa

Madaxweynaha ayaa Munaasibad qado ah oo loogu sameeyay Jidka Baligubadle ee Duleedka Koonfureed ee Hargeysa ka qayb galay.

sila b

Madaxweynaha waxaa jidka ku soo dhaweeyay Ardayda Dugsiyada iyo Dadweyne ka tagay Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo si diiran ugu soo dhaweeyay Munaasibada xadhig ka jarista ah.

siilanyo bal

Jidka Baligubadle ilaa Hargeysa ayaa 60KM, iyadoo haatan 5Km ee u horeeya xadhiga laga jaray, waxaana la filayaa in dhismaheedu mudo qaato.waxaa hawsheeda dedaal badan ugu jira bulshada degaanka, inkasta oo Xukumadda Lacag ilaa Boqol kun oo Doolar ah ku dartay.

SAAAAAAAAAAAAAAA

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa halkaasi ka sheegay inay qayb laxaad leh ka qaadanayaan dhismaha jidkan, isagoo tilmaamay In Baligubadle tahay goob taariikh ah oo islamarkaana ay fadhiyi jireen wakhtigii halganka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY