Daawo Muuqaal: Baarlamaanka Yurub Taageeray qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland

0
1481

Brussels, (HargeisaPress) — Xildhibaan James Carver oo xubin ka ah Baarlamaanka Yurub, kana tirsan Xisbiga Independence Party (UKIP) ee dalka Ingiriiska, isla markaana ka mid ah mudanayaasha caanka ah ee  taageera qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, fagaare kastana uga ololeeya  ictiraafka Somaliland ayaa  ugu baaqay fadhiga mudanayaasha Baarlamaanka Yurub inay tixgeliyaan aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriaydda Somaliland mudantahay oo xilligan ay ku soo qulqulayaan qaxoontiga dalka Yemen ee soo magangelaya nabadgelyada iyo deganaanshaha ka jira dalka Somaliland.

Xildhibaan James wuxu ku xusay su’aashiisa sida ay dawladda Somaliland u caawinayso  qaxoontiga dalka Yemen ee ka soo degaya magaalada Berbera. Wuxu su’aashan waydiiyay Xildhibaan Charles Tannock oo isaguna ka soo jeeda Xisbiga Conservative Party (CPU).

Charles Tannock  ayaa su’aashan kaga jawaabaya inuu kala simanyahay aragtida James in Somaliland mudantahay aqoonsi caalami ah oo ay tahay wadan xasiloon, dimuqraadi ah,  qaanuun sharci ka jiro, isla markaana kaalin sare kaga jirta la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada, waxanu intaas ku daray in dooda kalfadhigoodu ku saabsanayd xaalada dagaalada ka oogan Yemen.

 

UKIP MEP James Carver calls for the re-recognition of Somaliland
Bluecard question: James Carver MEP (West Midlands),  UK Independence Party (UKIP), Europe of Freedom and Direct Democracy (EFDD) group – @JamesJimCarver
– Response: Charles Tannock MEP (UK, Conservatives), ECR group
• Debate: Situation in Yemen
Statement by the Vice-President of the Commission/High Representative of the Union for Foreign Affairs and Security Policy
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY