DAAWO: “In Nin Sharci Ku Fadhiyaa Yidhaahdo Madaxtooyo Ayaan Ka Dhigayaa Dhul Loo Xukumay 80 Jir Muslim Ah, Waa Dulmi” Sh. Aadan-Siiro

0
883

Hargeysa, (HargeisaPress) –Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaatooyinka If iyo Aakhiro ka dhasha haddii Qof Muslim ah la dulmiyo.

Sheekh Aadan wuxuu ka warramay in dhibaatooyinka dib u dhigay Dadka Muslimiinta ah ee xilligan nool ay sabab u yihiin in Madaxda Hoggaamisaa aanay Illaahay kaga cabsan Dadka ay Madaxda u yihiin, balse ay qaadaan Tallaabooyin ay qaarkood dulmi ku yihiin Dadka ay xukumaan, Dulmigaas oo haddii aan la iska waanin ama aan laga waantoobin ay ka dhashaan dhibaatooyin saamayntoodu aanay Cid gaar ah ku koobnaan.

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in markii reer Somaliland ka qaxeen dalkooda uu Illaahay Nasrigii siiyey oo ay dib ugu soo noqdeen Dalkooda, horumar badana sameeyeen, hase-ahaatee haddii ay dhexdooda is-dulmiyaan ay dhibaatooyin kale ka dhalanayaan, Dulmigaas oo uu ka digay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waad ogaydeen, dhib baa innagu dhacday oo waynagii Carruurta ilkaha ku qaadanay, waad ogaydeen halkii Illaahay SW inoo hungufay, waddankeenii ayaynu nimid oo Illaahay inna siiyey, Waayo? Illaahay baa nabadda bixiya, Carruurta bixiya, waydinkaa arkaya Masaajidka Dadka fadhiya 98% waa dhallinyaro Madax Madow, Waddanka Illaahay Innagu abuuray waxa badan Dadka dhallinyarada ah, waa Nimcooyinka Illaahay bixiyo, laakiin Qofka bani-aadamka ahi markuu garan waayo (Nimcadaa) maxaa ka ratimmaya..”?

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa kaga hadlay inay Somaliland ka socdaan waxyaabo uu Rasuulkeena Muxamed (CSW) uu ka digay “Guryo dhisan oo la garanayo Dadkii lahaa iyo wakhtigii la dhisay ayaa Dad sheeganayaa, Dhul intaas oo Kiiloo Mitir ah ayuu Qof qaadanayaa, isagoo isticmaalaya Awooddiisa iyo Suldaddii ummaddu lahayd. 1440 Sannadood ka hor, wuxuu Rasuulku (CSW) ka digay ayaynu Maanta u taagan nahay, Qof awood sheeganaya, Qof Madaxnimo sheeganaya inuu 80 Jir soo tabcay uu hantidiisa Sharci la’aan ku qaato, iyadoo Dadkii wada taagan yihiin oo ay wada arkayaan ‘Subxaaballaah’…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka warramay hab-dhaqankii Saxaabada Rasuulka “Cumar Binu Khaddaab ayaa markii uu Salaadda Subax tukaday Arkay Masaajidka Nebiga oo cidhiidhi ah, dabadeedna wuxuu u tagay Cabbaas Binu Cabdi Mudalib oo ahaa Nebiyullaahi Muxamed (CSW) Adeerkii oo lahaa Baloodhka Masaajidka ku xiga, wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaad Dhulkaaga ku darto Masaajidka ama aad naga iibiso, laakiin sida uu Cumar Binu Khaddaab ugu bandhigay oo aan yar qurux badnayn iyo wakhtiga oo yar adkaa awgeed wuxuu Cabbaas yidhi ‘Kuma darayo, kaamana iibinayo Dhulka’, ka dib Cumar Binu Khaddaab wuxuu u tagay Lixdii Saxaabi ee Jannada loogu bushaareeyay oo ahaa Golihii ugu sarreeyay ee ay lahaayeen Saxaabadu, wuxuu ku yidhi ‘Masaajidkii baa inagu yaraaday, waxaan doonay inaan kordhiyo, waxaan u tagay Cabbaan Binu Cabdi Muddalib oo Rasuulka adeerkii ah, Cabbaasna wuxuu yidhi ‘kuma darayo kaamana iibinayo dhulka Masaajidka ku xiga’, ka dibna Cismaan Binu Cafaan ayaa kexeeyay Lixdii Ahlu Shuuraha ahaa si ay u soo hubsadaan arrinta, waxayna u tageen Cabbaas, Cabbaas markii loo tagay wuxuu yidhi ‘Horta sharci ma u leeyahay inaan diido in dhulkayga lagu daro Masaajidka Rasuulka’ ?. ka dib waxa loo tagay oo la waydiiyey arrintaasi Sayid Binu Saabid oo ka mid ahaa Culimadii Saxaabada, Sayid Binu Saabidna wuxuu yidhi ‘Sharci maaha in Masaajidka Nebiga lagu daro Dhul Qofkii lahaa aanu ogolayn’, ka dibna Cabbaas wuxuu yidhi ‘Dhulkaa Ilaahay dartii baan u siiyey Masaajidka’..”

Sheekha oo Qisadaa uu ka warramay barbar-dhigaya Dhul uu sheegay inuu leeyahay Muwaadin 80 Jir ah oo Madaxweynaha Somaliland uu doonayo inuu ka dhiso Madaxtooyo, isagoon ogolaan 80-ka jirka Mulkiyaddiisa lihi ayaa wuxuu  Sheekhu yidhi “Maxaa Maanta ka jira Dalka ? Nin 80 Jir ah oo sita Waraaqo Sharci ah oo Afar Maxkamadood u xukumeen oo Muslim ah, In Nin Madaxweyne ah oo Sharci ku fadhiyaa uu dhulkiisa Ciidan (Dhigo) oo uu xoog kaga qaado 2200 baloodh, oo uu weliba yidhaahdo Madaxtooyo ayaan ka dhigayaa, hadday Diin jirto, haddii Damiir jiro, haddii Dad wax garanayaa jiraan, wax la aqbali karayo maaha.”

Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Kamay dhicin Taliskii aynu la dagaalanay in 2200 Baloodh oo Afar Maxkamadood xukumeen inuu Qof Sharciyad ku fadhiyaa yidhaahdo Anigaa xoog ku qaadanaya oo weliba Ciidan dhiso, oo ay dhegaystaan oo ay daawadaan 1.2 Milyanka Qof ee Hargeysa ku nooli. Dulmigaasi waa wixii ay Hargeysa ku duntay, waa wixii hore loogu qaxay, waa wax lagu qixi doono hadduu dulmigu bato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweynaha waxaanu leenahay, Waar ka daa’ waa lagu jabayaaye. Waar dulmiga ka daaya Dadka, wakhtiga la banneeyay inuu dhiidhiyo waa marka Hantidiisa lagu qabsado, waar xaqa u gargaara oo dulmiga diida. In badan baan ka war-wareegay inaan qaddiyaddaa ka hadlo, laakiin markaan arkay inaan Cidna ka hadlayn waxay igu keliftay inaan ka hadlo intaan la i waydiin Maalinta Qiyaamaha, dulmigu waa waxyaabaha Ummaduhu ku dumaan, Ilaahay wuxuu Xadiis Qudsi ku yidhi “Iska ilaaliya Qofka dulman baryada uu Illaahay baryayo, baryadiisu samada ayay u baxdaa iyadoo dhimbiilo ah, dabadeedna samadaa laga furaa, markaas ayuu Ullaahay yidhaahdaa Waynideyda ayaan ku dhaartee wakhtigay doonto ha ahaatee waan kuu gargaari doonaa’.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu khudbaddiisa ku sheegay oo kale “Maanta Muslimiinta maxaa jebiyey? Kolba Ninka meesha haystaa yidhaahda Anigaa wax walba ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweynaha “Markaa farriinta aynu Madaxweynaha u diraynaa waxa weeyaan, Dad wanaagsan oo Somaliland ka wada kooban oo shaqadooda garanaya, oo aqoon iyo karti leh, oo aan u soo shaqo tagayn kuwan soo wada ootay ee bakhtiyaya, oo adeer wax ku filana la siiyo si ay Hantida Muslimiinta iskaga ilaaliyaan in la Magacaabo ayaynu kula talinaynaa Madaxweynaha..”ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro).

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY