Daawo: Hoggaamiyaha Jarmalka oo la arkay iyadoo Gariiraysa iyo Warbaahinta oo aad u hadal haysa

0
1013
Angela Merkel oo gariiraysa xilli ay munaasabadda si toos ah u socotay

Muuqaalka cusub ee ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa markii labaad la arkay iyadoo aad gariiraysa.

BERLIN — Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa la arkay iyadoo gariiraysa xilli ay ka qeybgaleysay munaasabad maanta ka dhaceysay magaalada Berlin, dhawaan ayay aheyd markii Angela ay ku dhacday arrintan oo kale.

Video-gan cusub oo khamiistan ay baahisay wakaalada wararka Reuters ayaa lagu duubay magaalada Berlin xilli uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen ra’iisul wasaare Merkal iyo madaxweynaha dalkaas Frank-Walter Steinmeier.

Sida ka muuqata muuqaalkan waxaa la arkayaa Merkel oo ruxmaysa dhammaan jirkeeduna uu gariirayo.

Arrintan ayaa timid sagaal maalmood kadib markii iyadoo sidaan oo kale shir la yeelanaysay madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskiy uu haleelay gariirkaan.

Muuqaalka ayaa muujinaya Merkel oo gacmaheeda iyo jirkeeda ay gariirayaan muddo labo daqiiqo ah, waxaa ay eegeysay wasiirka caddaallada xilli uu barbar taagnaa isla markaasna uu jeedinayay khudbad.

Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa markii la arkay iyadoo gariiraysa waxaa la siiyay koob biyo ah balse way diiday inay cabto.

Siddeed maalmood ka hor ayay aheyd markii ay la arkay iyadoo qarqareysa, waxaa ay sheegtay inay lasoo deristay xaalad fuuq bax ah.

Afahayeenka hoggaamiyaha Jarmalka waxaa uu sheegay in sida la qorsheeyay ay ku wajahantaay dalka Japan.

“Xaaladda hoggaamiyaha Federaalka waa ay wanaagsan tahay” ayuu yidhi Steffen Seiber oo ah afhayeenka Merkel.

Wakaaladda wararka ee DPA ayaa ku warrantay inkasta oo cimilada dalkaas ay aheyd mid kulul balse goobtii ay munaasabadda ka dhaceysay hawadu waxay aheyd mid deggan. waxaana madaxweynaha Jarmalka uu shaacinayay cidda qabaneysa xilka wasiirka caddaalada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY