Daawo: Abwaan Xasan Saleeban Dhuxul Laab-Saalax Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey

0
1187

 Hargeysa, (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxu Laab salax oo ah gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa maanta soo dhawayn balaadhan loogu sameeyey magaalada Hargeysa kadib safar mudo qaatay uu ugu maqnaa dalka turkiga  oo uu u tagay xaalad caafimad.

 

Waxaan ganacsatada ugu baaqayaa inay aakhiradooda dhawrtaan siiba kuwa dharka soo dejiya,dalka turkiga qiimaha ay kagasoo qaataan iyo qiimaha ay halkan(Somaliland) kaga iibiyaan waxa u dhexeeya farqi aan macquul ahayn, hadii aad dadkiina u tudhi waydeen aakhiradiina u tudha,hadaladan waxaa ku tiraabay abwaan laabsaalax oo kashifay sir ganacsi oo xaaraan ah taasoo ganacsatada dalku kaga macaashaan danyarta iyo qaybaha bulshada soomaliland,waxaanu hadaladan hadaladan ka jeediyay madaarka cigaal ee magaalada hargaysa xilli lagusoo dhawaynayay isagoo socdaal caafimaad oo uu ku tagay dalka turkiga kasoo laabtay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka warka 

 

https://youtu.be/exOcI1Dwo7I

 

 

 

 

Waxaan u mahad naqayaa madaxwaynaha Somaliland,wasiirka warfaafinta,wasiirka iyo maaliyadda oo safarkayga kaalin wayn ka qaatay,xaaladayduna aad iyo aad ayay u wacantahay,jaaliyadda ku sugan dalkaasi turkiga ee daljeenuna way fiicantahay waana dad u badan arday si fiican wax u barta.

 

Gudoomiyaha koox faneedka xidigaha geeska abwaan xasan saleebaan dhuxul(laabsaalax) ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay qaybo badan oo ka mida bulshada,kooxda xidigaha geeska,gudoomiyaha baarlamaanka somaliland,abwaanno,wariyeyaal,fanaaniin iyo mujtamac kale oo tiro badan.

Abwaan xasan ayaa intii uu ku sugnaa dalka turkiga ku qabtay bandhig suugaaneed isagoo kulamo la qaatay jaaliyaddaha ku sugan dalkaasi.

 

Waxaana soo dhawaynta abwaanka ka qayb qaatay gudoomiyaha xisbiga wadani gudoomiye cirro iyo masuuliyiin kale oo isku jira dhalinyaro iyo fanaaniin iyo waliba abwaano.

 

 

Axmed Cismaan Batuun

LEAVE A REPLY