Daah-furka Ururka SAYFAR oo Xalay Lagu Qabtay Hotel Gacayte ee Magaalada Boosaaso + SAWIRRO

0
1251

Boosaaso, (HargeisaPress) —Munasabadii lagu daahfurayay ururka wadaniga ah ee seyfar ayaa waxaa ka qayb galay masulyiinta gobolka bari kan degmada bosaso saladiin culima u diin iyo marti kale oo lagu casumay.

 

Ururka seyfar ayaa ka shaqeyn doona maraynta haraaga dawooyinka la isticmalay iyo ilaalinta degaanka.Munasabada ayaa intay socotay waxaa ka hadlay masuliyiinta ururka waxgarad iyo maamulka gobolka iyo kan degmada bosaso waxayna dhamaan ka hadleen faa’idada ururku u leyahay degaanka.

IMG_7935

Agaasimaha Guud ee ururka wadaniga ah ee sayfar mudane maxamed cabdikaafi kol koliye ayaa ka shekeyay waxa uu ururka qaban dono iyo tariikhda ururka.

 

Duqa Degmada Bosaso Eng Yaasin Mire Maxamuud Ayaa shegay In Degmada Bosaso U bahnayd Urur kan oo kale Ayna La Shaqeyn Donaan.

IMG_8094

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulahi Ciro Ayaa Shegay in ka gobol ahaan la shaqayn donaan dowlada iyo ganacsatadana ugu baqay in la tageero.Beldaaje Cali Faarax maxamuud Oo Ka Mida Isimada Puntland Ayaa Shegay in ururkan uu ku soo begmay xili loo bahnaa. Ururka sayfar ayaa xaruntisa kowaad ka furtay gudaha bosaso waxana uu ka shaqayn donaa deganada kala duwan ee puntland.

IMG_7971

Ururkan wadaniga ah ee SAYFAR wax la aasaasay dhamaadkii sanadka 2015, ururkan Sayfar oo ka shaqayn doona maaraynta hadhaaga dawooyinka iyo agabka caafimaad ee lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka sida, Cisbitaalada Dawliga ah iyo Kuwa gaar ka loo leeyahay, Farmasiiyada, Xarumaha Dhalaanka iyo Hooyada(MCH), Goobaha lagu talaalo xoolaha sida Maxjarada iyo Timo-jaraha (Rayslayaasha).

IMG_7929

Ururkan Sayfar Xaruntiisa dhexe waxay ku taalaa Magaalada Boosaaso, waxa kale oo xafiis ku leeyahay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.Waana markii ugu horaysay ee urur noociisa laga hirgaliyo gudaha Puntland.

IMG_8002

Ururka Sayfar waxa uu ka diiwaangashan yahay Puntland iyo Boosaaso, waxaana Laysan buuxa uu ka haystaa Dawlada Hoose ee Boosaaso, wada shaqayn fiicana la leh, dhamaan qaybaha dawlada iyo Hay’addaha ay khusayso shaqada uu qabanayo ururka wadaniga ah ee sayfar.

IMG_7922

Ujeedooyinka, Hadafka iyo Himilooyinka Loo Aasaasay loo aasaasay ururka sayfar.

 

  1. Maaraynta Hadhaaga Daawooyinka iyo agabka lagu isticmaalo xarumaha caafimaadka sida Cisbitaalada Dawliga ah iyo Kuwa gaar ka loo leeyahay, Farmasiiyada, Xarumaha Dhalaanka iyo Hooyada(MCH), Goobaha lagu talaalo xoolaha sida Maxjarada iyo Timo-jaraha(Rayslayaasha).
  2. Gurista, Kaydinta, Qaadista iyo Gubista Hadhaaga Daawooyinka iyo Agabyada kale ee lagu isticmaalo Xarun Kasta oo caafimaad, Maxjarada iyo Timo Jarayaasha.
  3. In laga badbaadiyo Bulshada khatarta caafimaad ee ka dhalan karta walxaha loo isticmaalay daryeelka bukaanka iyo Xoolaha.
  4. Sidii looga wacyigalin lahaa bulshada khatar ay leeyihiin walxahan.
  5. Ilaalinta deegaanka iyo ka hortaga xanuunada faafa.
  6. In laga wada shaqeeyo badbaadinta Deegaanka.

IMG_7948

Ururka Sayfar: Waxa uu khibrad, aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay Maaraynta Hadhaaga dawooyinka la isticmaalay iyo walxaha kale ee kasoo hadha agabka loo isticmaalo daryeelka bukaanka, sida:- Irbada, Siriijka, Kaanoolaha, gooska, agabka dhaymaha, agabka qaliinka, agabka dhiiga lagu baadho, daawooyinka dhacay agabka timo jaraha uu isticmaalo iyo wixii kale ee lamid ah. Iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah oo loogu talo galay Gubista iyo Burburinta.

IMG_8013

Ururka sayfar wax uu u taagan yahay ka shaqaynta iyo hagaajinta wixii Bio-medical waste, iyo in lakala saaro qashinka adag (Garbage ama Solid Waste), iyo Qashinka Kasoo Baxa xarumaha Caafimaadka ee loo yaqaan (Bio-medical Waste), hadhaaga daawooyinka lagu isticmaalay xarun kasta oo caafimaad way ka khatar badan tahay qashinka kale, tusaale ahaan hadii Irbad lagu turqay qof qaba HIV banaanka lagu tuuro kadib ay mudo qof kale ama caruurtu ku cayaarto xanuunkii wuxuu u gidbay ilmo caafimaad qaba, hadaba anagoo ka duulayna badbaadin bulshada iyo deegaanka, waxca muhiim ah in laga hor tago khatartaas,.

IMG_8091

Sayfar waxa ay wadaa adeeg lagu maaraynayo hadhaaga dawooyinka la isticmaalay, waxay samaynaysaa hab iyo hanaan loogu talo galay in lagu gubo ama lagu burburiyo qashinka hadhaaga daawooyinka kazoo baxa xarumaha caafimaadka iyadoo hab casri ah loo fulinayo.Sayfar waxa dhisaysaa xarun casri ah oo laagu talo galay oo la yidhaa (Biomedical waste disposal station), xaruntaas waxa la keeni doonaa qalab tayadiisu aad u sarayso iyo mashiino casri ah.Waxaanu keeni doonaa qalabka loogu talo galay in lagu rido hadhaaga daawooyinka Containers ama Reusable Biomedical Waste Containers.Waaxan la dhigi doonaa xarun kasta oo caafimaad si loogu rido ama lagu kaydiyo halkaas.Kadibna waa laga guri doonaa markuu buuxsamo iyadoo lagayn doona xarunta loogu diyaariyay in lagu burburiyo ama lagu gubo hadhaaga daawooyinka la isticmaalay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here