CUDUR XUN OO KU DHACAY SIYAASIYIINTA SLAND OO ILAA HADA DAWO LOO HAYN!!!!

0
1183
Mawliid Ahmed Jibriil

Maqaal aan qoray dhawr iyo toban Sano ka hor ayaa waxan idhi, sland Sadexda Maanlaawe Gu, mooyee Garaad Uma Kordho !!!?

inta ka dib, mudada inta leeg ee sland jirtay sadexdii maanlaawe waxba iskama bedelin.

Waa Siyaasi muxafida maalinta uu xilka hayo ka shaqeeya horemarka sland oo difaaca waxkasda oo dalka iyo dadka danta Guud Dani uga jirto.

Siyaasiga mucaarida maalinta xilka laga qaado oo wax kasda oo dalka iyo dadka horemara ama danta guud ku jito ayay diidan oo shalaykii bilaabay marshuca ayaa maalinta xilka laga qaado yidhaa waa khalad mashrucani oo khatar ayuu ku yahay sland,

Cadyahaw ku cunay ama ku ciideeyay, waa yaabka yaabkii,

Shicib aan maanlahayn oo ninkii markuu xilka hayay lahaa marshuucyada horemarka soomaaliland hala taageero, Ayaan maanta xilka laga qaado wax kasda oo horemarka ku saabsan ayuu isla shacabkii odhanayaa diida wax kasda oo horemarka ku saabsan.

Sida darted, mucaaridka sland waxa ku dhacay xanuun xun oo dalka iyo dadka curyamiyay.

Xanuunkasi kuma dhicin Gud/ faysal Cali waraabe oo wixii horemara waa U taageera Isagoo danta guud ka hormariya dantiisa gaara.

Mucaaridka sland ee korsiga sare ee sland U tartamayaa wax kasda xukumada jirta ay zoo kordhiso way ka naxaan,

Sobobto ah, waxay aaminsan yihiin haday xukumadu horemar dalka iyo dadka gaadhsiso lagu dooran mayo,

Mucaaridka sland waxan filayaa hadii lagu yidha, sland ayaa la Aqoonsanayan, waxay odhanayan dib hala nogu dhigo inta doorashadu dhacayso.

Mucaaridka sland ma cadawga horemarka ayay noqdeen maadaama Cadawga sland diidka ah ay ka Afkar fogadaan marka xukumada jirta talaabo horemar ah ay qaado.

Mucaaridka sland siden xanuunkan uga dawaynaa ? Ee mucaarid horemarka dalka iyo dadka taageera loo helaa oo ku fikira xukumadu haday dalka iyo dadka horemar wanaagsan ku talaabsato zoo dhaweeya sida faysal oo U arka wixii dalka U kordha wax iyaga U kordhay oo haday doorashada ku guulaysdan ha fahman in ay halka ka sii wadaan.

Isku zoo wada duubo, mucaaridka iyo cadawga sland diidku ha Kala duwanato marka xukumada jirta heshiis hore.arka ku saabsan ay galayso.

Shacbigu ninkii shalay markuu xilka hayay boobay in ay maantana la ooyaan haka foonignadan.

Xukumadu heshiisyada ay caalamka la galayso cidna uga habran mayso haday mucaarid tahay haday shisheeye kuwa hanti sland lagu curyaaminayo ka zoo qaatay iyo nin ku qaylinaya kaliya in laga laaluusho heshiiska shacbigana iskaga oohiya maanta wax loo dhiibo wuu aamusaa shacbigana waxba kama zoo gaadhaan. Ee danta shacabka danyartu waxay ku jirta in ay taageeraan wixii horemara ee hadba xukumada jirta ku talaabsato, hadiise maalinba ka mucaaridka ah indhahoda kiraysdo oo ay U ooyaan talaabo hore loo qaasi maayo caruurtenu waxay ku dhamaan badaha dadka iyo dalkuna sodas ayuu ahanaya oo maalinba inta dheragtay ayaa isku keen dul haysan.

Ee Garaadku ha Kori maadaama waqtigu socdo halaga wada fakiro in laga faa,iideeyo mucaarid iyo muxaafidka maantaw.

. Alah Mahadleh

. Mawliid Axmed Jibriil

Xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here