Cudur-daaradu Waa Musmaarka Loo Isticmaalo In Lagu Dhiso Aqalka Guul-darada- ( Zera Yakob), Turjumidii :- Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

0
1071
C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) PHOTO FILE

Jimce-yaasha waxaan idinla wadaagaa Qormo ku saabsan Falsafada dhiiri-galinta bani-aadamka (Human Philosophy And Motivation), Sidaa darteed waxaan caawa soo qaatey Mr. Zera Yakob oo ah Falsafaawi ama Cilmi-nafsi-yaqaan u dhashay Dawlada weyn ee Geeska-afrika ku taala laguna magacaabo Ethiopia , Oo ilaa qarnigii 17aad soo gaadhey kana mid ah culimada Afrikaanka waxa badan laga dhaxley, Waxa uu ku bilaabey sida tan

Reer galbeedku ma,aha dad caqli badan, Inaguna ma nihin doqmo, Kaliya waxay dhiiri-galiyaan kooda fashilma ilaa iyo intuu guulaysanayo, Inaguna waxaynu la dagaalanaa keena guuleystay ilaa iyo inta uu ka fashilmayo, Sirta ka danbaysa inaad hore-u-socotaa waa talaabada oo aad bilawdo, Go,aanso waxaad rabto, go,aanso waxaad diyaarka u tahay inaad ku baddalato si aad u hesho, Aasaas waxyaabaha aad mudnaanta siinayso ka dibna u dhaqaaq sidii aad u shaqeyn lahayd, Waligaa madaxaaga hoos haw dhigin , Mar walba sare u qaad, Aduunka indhaha indhaha u saar, Nafta hawgu sheekayn waxaa ma awoodid ama waad samayn lahayd hal-beegaa hadii aanad ka habsaamin amaba aanu hadhku ka wareegin waayo hooska ayaad uga faa,iideysan lahayd waxa aad qabanayso, Waa qiil u sameyn culus.

Marna dib bari ha ugu dhigin wax aad maanta awoodo in aad qabatid, Wixii aanad maanta bilaabin, Waligood ma dhamaan doonaan bari, Ujeed ama yool aad leedahay waxa ka reeban inaad garab-marto adigoo cuskanaya amuur kaa baajisey aduunkana ma jiro wax ku shilayaa adigoo ku tashada inaad wax dhaqaajin waydo mooyaane, Maxaa wacay Cudur-daarku waa qaab dhismeed fikir oo laabtaada ka soo burqadey, Isla markaana ku odhanaya lacala hadii aaney waxaasi jirin waad ka soo dhalaali lahayd inaad ka gun-gaadho abaartaa kuu calaamadsan, Balan-qaad si loo dhan yahay aad u cuskato samaynta hawl laysu ogahay balse aan u qabsoomin sidii loogu tala-galey , Adiga oo ku carab-baabaya mushlikad kaa soo dhex gashey oo aad waliba xalin karaysay aanadse iskuba dayin.

Shakhsiyaadku waxay u dadaalayaan ka dhabaynta yoolelka u dajisan, Inta ugu badana waxay waqtiga ku bixiyaan ka shaqaynta iyo hanashada wadiiqadaasi, Qofna ma gaadho bilaa riyo waxan u daalacanayo ee maskaxdiisa ka guuxaya, Muhiimaduna waa hanashada libinta uu qofku diyaarka u yahay hadiise ay soo dhex-gasho dib-u-dhac iyo waxyaabaha lumiya jihada qofku u socdo, Aakhirka waxaad noqoni mid Guul-daro la saaxiiba mar kastoo la su,aalana mar-marsiyo raadiya uu isku difaaco, Isku day inaad ka adkaato naftaada si bilaa Cudur-daar ah nolosha dab-damiskeedu waa badheedhaha u adkayso dhib walba oo kugu soo wajahda dariiqa aad u mareyso guusha, Ha caadeysan dadka niyada jabiya ee kugu abuuraya dhaqanka cudur-daarka hadii aad laasintana waxaad noqonaysaa nin musmaarka isu sii giijinaya si uu daloolka guul-darada ugu dhagsanaado.

Agabka naaxiya aqalka Guul-daradu waa kuwa uu qofku abuuro ama isu dhaliyo isaga laf-ahaantiisu, Waa baqaha iyo dib-u-baxa marba baylahda kuu taala laga

maago, Ku darsoo adigoo dariiqaagii maraya laguma leexdo ku kale oo aad ku sheegi karto maxay baan ka doonay laakiin looma baahna talaabada waxa loo baahan yahay inaad gaadho halkaad u socoto ee dariiqani ku arooro, Marba intaad ka war-wareegto xaqiiqda waa intaad qud-curka gudeyso ama intaad musmaarka isla dhacayso, Haysu mashquulin ku foognaw sidaad uga soo dhex ifi lahayd fagaaraha Guusha ee noloshu ku qotonto, Hays odhan waa lagaa qaadanayaa sababo aad cuskato hadaad Guul-dareysato, Balse kac oo sii wad dadaalka aad ka midho-dhaliside.

Author: Zero Yakob.

Turjumadii: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Gabiley/Somaliland.

Diplomatic Annalysts.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here