Cristiano Ronaldo oo Noqday Laacibka Real Madrid ugu Safashada Badan Xilli-ciyaareedkan iyo Warar kale

0
1346

HargeisaPress — Cristiano Ronaldo, ayaa noqday laacibka keliya ee joogtada uga qaybgalay kulamada Real Madrid xilli-ciyaareedkan yeelatay, taasoo ka caawisay inuu dhaliyo inta badan goolasha ciyaartoyga naadigu dhaliyeen.

44 kulan oo Real Madrid xilli-ciyaareedkan yeelatay, ayuu 31 jirkan saftay 43 ka mid ah, taasoo ka dhigtay laacibka ugu safasha badan, kana caawisay inuu guud ahaan 43-ka kulan ee uu aftay ka dhaliyo 47 gool.

Laacibkan Portugal u dhashay waxa uu Getafe ka hor-yimi 13 kulan, isagoo ka dhaliyay 20 gool, isla markaana waxa uu noqday ciyaartoyga kooxdan ka dhaliyay goolasha ugu badan mudadii ay dhisnayd.

………………………………………………………………….

Frank Lampard oo Laacibiinta Chelsea uga Digay Halis Antonio Conte Kaga Iman Karta

Frank Lampard

Frank Lampard ayaa digniin culus u diray laacibiinta Chelsea oo uu uga digay caddaadis badan oo ay kala kulmi doonaan tababare Antonio Conte oo kooxda la wareegaya marka dhamaadka horyaalkan la gaadho.

 

Lampard waxa uu laacibiinta Chelsea ku wargeliyay in Conte yahay tababare kulul, isla markaana aannu aqbali doonin inay ciyaartoygu ahaadaan siday hadda yihiin, sidaa darteed uu kuwo badan caydhin doono.

 

Waxa kaloo uu laacibkan hore ee Chelsea uga digay ciyaartoyga inay iman doonaan laacibiin cusub oo Conte wato, sidaa darteed intooda badan halis ugu jiraan inay booskooda laacibiinta safka hore waayaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY