Ciyaaryahan Aan Muslim Ahayn Oo Ka Damqaday Xasuuqa Yahuudu Ku Hayso Falastiin

0
1184
Ciyaaryahan Joey Barton oo ka tirsan kooxda Kubada Cagta ee Queens Park Rangers
Ciyaaryahan Joey Barton oo ka tirsan kooxda Kubada Cagta ee Queens Park Rangers

Ciyaaryahan Joey Barton oo ka tirsan kooxda Kubada Cagta ee Queens Park Rangers ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay ciyaaryahanka Yahuudiga ah ee Yossi Benayoun.

Laacibkan ayaa sheegay in dadka reer Falastiin ee aan waxba galabsan dagaalka ay ku qaaday Yahuudu uu yahay mid xasuuq loogu geysanayo“Ugu horeyn waa in aanad ugu yeedhin qof doqon, waayo waa eray Naxwe ahaan aad u xun, mar labaadka waa in aanad dilin caruur aan waxba galabsan, marka saddexaad waa in aanad ka ka baro kicinin dhulkoodii ay deganaayeen kumaan-kumka sano, ugu dambayn waxa aan idiin rajaynayaa in adiga iyo qoyskaaguba ay ka dabaalan doonaan marxalada adag ee aad madaxa la gasheen” ayuu yidhi Joey Barton. Hadalka ciyaaryahankan ayaa ku soo beegmay maalin uun ka hor markii warbaahinta calaamku ay baahisay in ciyaaryahanada Kooxda Yahuuda ee Maccabi ay kala dareeriyeen ciyaar ay la lahayd kooxda Lille ee faransiiska ahi dhalinyaro falastiiniyiin ah oo gadoodsan, wakhti ay ku sugnaayeen Dalka Austaria .

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeisa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here