Cilmi-baadhis: Isticmaalka Facebook oo Dadka ka Dhiga Kuwo Kelinimada Jecel, Cadhadun aad ugu Badan Tahay

0
1458

Cilmi-baadhis cusub oo la soo bandhigay, ayaa lagu ogaaday in isticmaalka mareegta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook, ay dadka ka dhigto qaar kelinimada jecel oo cadhaduna ku badan tahay, sida cilmi-baadhis cusub soo bandhigtay.

Cadhadan ayaa khubarada daraasadda samaysay ku sababeeyeen in ay keento kadib marka qofku uu naftiisa barbardhigo asxaabtiisa horumarka samaysay ee ka fiican, iyadoo cilmi-baadhayaashu ku doodeen in qofku marka uu arko sida wanaagsan ee saaxiibkii ama dadka ay asxaabta yihiin faalada togan iyo badhanka (Like) loo siinayo ay keento inuu naftiisa u qaato in ay tahay mid aan qiimo dadka kale la lahayn.

Mac-hadka Cilmi-baadhista Farxadda ee Denmark (Happiness Research Institute), ayaa xog uu ka ururiyey 1,095 qof oo Denmark gudahiisa ku hool, ayaa ay ka soo baxday in dadka facebook aadka u isticmaala ay cadhada iyo kalinimo soo wajahdo.

Xogta dadka laga ururinaayey oo kala badh ka mid ah laga codsaday in ay joojiyaan muddo toddobaad ah isticmaalka facebook-ga, halka kuwa kalena loo ogolaaday in ay si caadi ah isaga sii wataan Facebook, ayaa muddo toddoba maalmood ah kadib waxa la ogaaday in dadkii aan Facebook galin ay farxadoodu qiyaastii noqotay 8.12, halka kuwa isticmaalayeyna aanay waxba iska beddelin, laguna cabbiray inay farxadoodu noqotay 7.4 .

Sidoo kale, dadka joojiyey muddadaas waxa ay noqdeen kuwo firfircoon oo noloshooda horumarkeeda ka shaqeeyey, cadhada iyo kalinimadu ku yar tahay, hawlo badan oo ka qabyo ahaana dhammaystay.

Mr. Meik Wiking oo ah Agaasimaha Fulinta Mac-hadka Cilmi-baadhista Farxadda ee Denmark, ayaa sheegay in tijaabadan natiijada ka soo baxday ay muujisay dhibaatada baraha bulshada lagu kulma keenaan.

“Facebook waxa uu beddelaa hab nololeedkeena caadi ah iyo sida aynu isu aragno. Waxa aynu ku xisaabtanaa sida aynu nolosha noqonayno inagoo is barbardhigayna dadka kale, taasina waxay inagu keenta arrin aan fiicnayn oo khatar ku ah nolosheena,” ayuu yidhi  Mr. Meik Wiking.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here