Ciidanka Qaranka Somaliland oo Laascaanood ku soo dhaweeyay Ciidan ka soo goostay Maamulka Puntland

0
1086

CIIDANKA QARANLaascaanood,(HargeisaPress) — Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Xaruntiisa Laascaanood ku soo dhaweeyay Ciidamo ka soo goostay Maamulka Puntland, kuwaasi oo Somaliland ku soo biiray. Waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Cutubyada Puntland ka soo goostay Taliyaha Qaybta 7-aad ee Ciidanka Qaranka Gobolka Sool Gaashaanle dhexe Mahad Baashe Cilmi iyo Taliyaha Qaybta 12-aad ee Gobolka Sool Gaashaanle dhexe Axmed Hurre.

Taliyaha Qaybta 7-aad ee Laascaanood G/dhexe Mahad Baashe Cilmi ayaa sheegay in Ciidanka ku soo biiray ahaayeen kuwo hore u khaldamay oo haddda dib isku saxaya “ Anigu waxaan ahay Taliyaha Laascaanood ee Dhul Bahante, Askariga Dhul-bahante ee Kismaayo Jooga,ka Muqdisho jooga iyo Ka Hargeysa joogaba Anigaa u taliye ah. Waayo? Anigu Xaruntii baan Fadhiyaa, ha iska soo wareeggaan Meelahaas, laakiin Laascaanood ka maqnaan maayo, Wayna ii tirsan yihiin meelkasta oo ay joogaan. Waxaan leeyahay Raggani Afar Boqol(400 Aksari) ayay ahaayeen, 150 Way iska kala halowday, 70 kale meel kale ayaa looga yeedhay oo dibin daabyo kale ayay lugta la galeen. Maanta waa la garan karaa, yaa jooga Taleex, Waxaan u malaynayaa markii aynu Dhul-bahante sheegano, Dhulbahante inuu horumar gaadho oo Tashado oo wanaagsanaado Cidna igama jecla, waynuna wada jecelahay, hol-hol ayaan idhi Shirra 14 Garaad oo joogay, maanta oo hal garaad Saax-dheer joogo ma u malaynaysaan in Taladay 14 Garaad soo saari weeyeen hal garaad soo saarayo

G/dhexe Axmed Hurre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Ciidanka soo biiray ayaa u sheegay in Daraja la’aanta iyo Diifta ka muuqatay Ciidankaasi tahay Dawlad la’aanta balse Ciidanka Somaliland ee ay u yimaadeen leeyahay Darajo iyo haykal Ciidan oo dhamaystiran.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Saraakiishii ugu saraysay Ciidanka Puntland ka soo goostay, waxaanay sheegeen inay ka yimaadeen dal ay dareemeen inaanay lahayn “Waxaanu ka mid ahayn Ciidankii loo tababaray Madaxtooyada Puntland, waxyaabo dhawr ahbaanu kaga nimid Puntland, Marka hore dal aanaan lahayn iyo dad aanan waxba wada lahayn oo aanan isku shaqo ahayn ayaanu u tagnay, ka dibna waxaanu aragnay inaanay wax dan ahi nool meeshii. Waanu ka tashanay oo waxaanu u nimid Dalkayagii, Dawladdayadii Somaliland iyo Dadkayaygii” ayaa ka mid ahaa hadalka Saraakiisha Ciidanka Somaliland ku soo biiray.

Hargeisa Press News Desk — Laascaanood

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here