Ciidanka Dabdemiska Caasimada Oo Mudaharaad Ka Hor-dhigay Xarunta Dawlada Hoose Hargeysa Kadib Markii Ay Ku War-heleen In Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Joojiyey Mushaharkoodii

0
987

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xogahaya cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Md.Cali Xasan Cawaale  oo dhawaan uun xilka la wareegay ayaa durba ku kacay falal foolxumo ah oo curyaaminaya hanaan socodkii hawlaha shaqo ee  Dawlada hoose ee Hargeysa ,

Xogahaye Cali Xasan Cawaale oo hore u amray in la joojiyo shiidaalkii ay ku hawlgali jireen Gurmadka Ciidanka Dab-damisku ,ayaa sidoo kale maalintii shalay amray in la joojiyo Mushaharkii Xubnaha Ciidanka Dab-damiska Caasimadu ka qaadan  jireen Dawlada hoose taasi oo Ciidanka Dab-damiska Caasimadu subaxnimadii shalay ku war heleen in Xoghayahu joojiyey isla markaasina sababo aan lagaranayn uga reebay Mushaharaadkii Shaqaalaha oo shalay la qaadanaayey.

Arintan ayaa markii Ciidanka Dab-damisku ka war helay waxa ay Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa ka sameeyeen mudaharaad Cabasho ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin falalka masuuliyad darada ah ee Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ula badheedhayo xaquuqdooda aas-aasiga ah.

Ciidanka Dab-damiska Caasimada oo sida la wada og-yahay ah dhalinyaro naftood hurayaal ah oo hadh iyo habeen u heegana inay Bulshadooda ka badbaadiyaan masiibooyinka Dabiiciga ah , Isla markaasina dhibaato baaxadle ku qabay rabshadaha iyo weerarada naftooda lala beegsanaayo ee ay kula kacaan Bulshada Wax-magaratada ah ee ay badbaadinayaan ,Taasi oo aynu ka war haynay in maalintii doraad 10 Askari oo Ciidanka Dab-damiska kamida lagula kacay taasi oo laba kamid ahi ku laxaad beeleen isla markaasina dhaawacyadoodii Dhakhtarka yaalaan ayaa ay niyad jab iyo naxdin ku noqotay markii ay maalintii shalay ka war-heleen in Xoghaye Cali Xasan Cawaale si badheedh ah u joojiyey mushaharkoodii, iyadoo ay qaadanaayeen shaqaalihii kale ee Dawlada hoose ee ay iyagu mudnaanta ka lahaayeen.

Fadeexada arintani ayaa waxa ay dusha ka saaran tahay Xoghayan cusub ee dhawaanta loo magaacabay xilkan oo sida la sheegay cuna-qataynta u saaraya Ciidanka Dab-damiska kadib markii ay u socon wayday in loo qoro 10 qof oo uu rabay in qasab loogu qoro Ciidankan Dab-damiska Caasimada ,

 

Falalkan oo ay aad uga biyo diideen Masuuliyiinta iyo Shaqaale weynaha Dawlada hoose ee Hargeysa oo si fiiro leh isha ugu haya dhaqdhaqaaqyada qaldan ee uu durba ku dhaqaaqay Xoghaye Cali Cawaale, ayaa waxa ay sababtay in dacwad culus laga gaadhsiiyo Masuuliyiinta Sarre ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo uu maamul ahaan hoostago,Iyadoo Sidoo kale Mooshin xilka lagaga xayuubinaayo Xoghayaha ay aamaalmihii u danbeeyey ka istaadhan  tahay xarunta Golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa ,

Mooshinkan ayaa sida xoguhu tibaaxeen waxa saxeexay 15 kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa ,mooshinkan oo ah mid shaqada lagaga joojinaayo isla markaana Wasaarada Arimaha Gudaha ay kaga dalbanayaan in 20 cisho gudahood lagaga bedelo, isla markaasina xilka lagaga qaado.

Xaaladan cakiran ayaa sida la xaqiijiyey waxa sal u ah kadib markii Xoghayaha cusub uu la jaanqaadi waayey nidaamkii shaqo ee ka socda xarunta dawlada hoose ee Hargeysa halkaas oo sida xoguhu tibaaxeen uu ku haftay baaxada culuska ay leedahay xilka Xoghayaha Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa oo aad u balaadhan,

Isku soo wada duuboo Xoghayahan Cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa waxa la sugayaa in xil ka qaadistiisu soo baxdo saacadaha soo socda ,isagoo isla markaasi noqon doona Xoghayihii ugu mudada yaraa ee Soomara Xilkan.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here