Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Habeenimadii Xalay Soo Badbaadiyay Affar Qof oo Waxyeelo Dab Soo Gaadhay.

0
1322
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Habeenimadii xalay Abaaro 11:00 PM gurmad dab loogu yeedhay Dab ka dhacay Xaafada Shacabka, dabkaas oo noociisu ahaa shoolad Qaraxday.

Shooladan ayaa waxyeelo badan soo gaadhsiisay Gabadh halka saddex kale oo ka mida dadkii gurigaas ku noolaa iyadana ay waxyeelo soo gaadhsiisay , kuwaasi oo isku dayay inay badbaadiyaan gabadhaas.

Ciidanka Dab-demiska ayaa Gabadhaas iyo dhaawacii kaleba gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa, waxaana ilaa hadda mid ka mida Affartaa Qof ee Dhaawaca ah Lagu dabiibayaa Cisbitaalka Hargeysa.

Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo Hawlgalkaa Hogaaminayay ayaa Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska uga warramay xaalada Dhaawaca, ayaa wuxuu xaqiijiyay in ciidanku kaalin weyn ka geystay badbaadada affartaa qof, waxaa kaloo tilmaamay hogaanku in dhibaatada shooladaha Qarxaya ay ku soo badanayaan magaalada Hargeysa.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dhaawaca ay gaysanayaan shooladaha, waxaana taasi keenaysa isticmaalka shooladahaas oo dadweynuhu inta badan aanay aqoon badan u lahayn.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

Hargeysa/Somaliland.

Emergency Call-990

www.Hargeisafire.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here