Ciidanka Booliska Somaliland oo ka Warbixiyey Shilal ka Dhacay Caasimadda Hargeysa iyo Khasaaraha ka Dhashay

0
1261

Hargeysa (HargeisaPress)—Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka warbixiyey shilal kala duwan oo ka dhacay qaybo ka mid ah Caasimadda Hargeysa labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska, ahna Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo saxaafadda la hadlay maanta ka dhacay, ayaa soo bandhigay tirada dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay shilal ka dhacay Hargeysa.

“Waxa magaalada Hargeysa ka dhacay saddex shil oo waaweyn, waxaannu mid ka dhacay Xero-awr, midna waxa uu ka dhacaysa agagaarka cusbitaalka International, halka uu shilka kalena ka dhacay xaafadda Isha-boorama, gaar ahaan dalcadda Ina Naxar, waxaanan tacsi u diraynaa Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) oo ay xaaskiisii Allaah ha u naxariistee Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar ku geeriyootay shilka ka dhacay Isha Boorama iyo marxuum Muxumed Saxardiid Ismaaciil oo isna shilkaas ku geeriyooday iyo dhammaanba dadka kale ee waxyeeladu ka soo gaadhay shilalka kale ee ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanan dhammaantood Ilaahay uga baryeynaa inuu inta dhimatay u naxariisto, inta kale ee dhaawac ahna caafimaad siiyo.” Sidaa waxa yidhi Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Boolisku.

Waxaannu intaas ku daray; “Sida aynu ognahay Ciidanka Booliska oo ay ugu horeeyaan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinku waxa ay ku jiraan hawlgallo aan kala go’lahayn, iyadoo ay dhammaanba shacbiga Somaliland ay arkayaan ciidanka oo ka shaqaynaya waddooyinka kala duwan oo eegaya liisamada, gaadiidka iyo xammuulkaba.”

Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland waxa uu fariin u diray bulshada, gaar ahaan dadka dirawaliinta ah, waxaannu yidhi; “Haddaba, wadaayaasha gaadiidka waxa aannu kula dardaarmaynaa, una sheegaynaa inay dhammaatay waqtigii naxariista la isku gelayey, imminka wixii ka dambeeyana sharciga ayaa la is horgeynayaa haddii aanad waddan liiska dirawalnimada, haddii aanay xirfadaadu dhammaystirnayn, haddii aad xawaare xawli ah ku socoto.”

Afhayeenka Ciidanka Booliska, ahna Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay shilalkaasi u dhaceen, waxaannu yidhi; “Taariikhdu markii ay ahayd 12 March 2019, baabuur noociisu yahay VITZ (Dukhaan) oo uu leeyahay eedaysane Maxamed Maxamuud Xasan  oo 30 sanno jir ah, ayaa Isgoyska waddada Xabaalaha ee Xaafadda Xero-awr ku jiidhay marxuum Sakariye Cawil Axmed, ina Faadumo Maxamuud, da’diisuna ahayd 9 sanno jir, kaasoo ka mid ah ciyaalka bilaa waalidka ah ee ay koriso Hay’adda SOS, ilmahaas yarina wuu dhintay, Allaah ha u naxariisto, iyadoo ay eedaysanaha iyo baabuurkiiba lagu xidhay laanta Nabadgelyada Waddooyinka ee galbeedka Hargeysa.

Sidoo kale, maanta (shalay) oo ay taariikhdu ahayd 13 March 2019, goor ay saacaddu ahayd 1-dii duhurnimo, waxa uu shil dhimasho iyo khasaare kale sababay uu ka dhacay waddada Ina Naxar ee xaafadda Isha Boorama oo baabuur uu waday eedaysane Siciid Cabdi Xuseen oo Dhayne ah, lambarkiisuna yahay 50627, kaasoo ka soo taraaray Dalcadda Ina Naxar, kadibna waxa uu ku dhacay saddex baabuur, waxaanna ku geeriyootay Allaah ha u naxariistee marxuumad Hibo Cabdiqaadir Koosaar oo ahayd xaaska Safiirkii hore ee Somaliland u joogay Itoobiya Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe), waxa kaloo isna halkaas ku dhintay Allaah ha u naxariistee marxuum Muxumed Saxardiid Ismaaciil oo 40 sanno jir ahaa, waxa kaloo dhaawacmay Yuusuf Cabdillaahi Ciise oo 27 sanno jir ah, Axmed Cabdi Siciid oo 25 sanno jir ah, Maxamed Maxamuud Aadan oo 20 sanno jir ah, Mubaarik Xasan Daahir.”

Waxaannu Afhayeenka Boolisku intaas ku daray; “Ninkaas eedaysanaha ahi waxa uu leeyahay baabuurka waxa u go’day candhadii, wuuna soo taraaray, kadibna waxa uu yidhi waan badbaadin kari waayey, iyadoo uu ku dhacay baabuurkaas ay gabadhu wadatay iyo ninkaas la saarnaa, labadoodaba Allaah ha u naxariistee, markii dambena waxa qabtay baabuur Iska-rogo ah oo meel yaalay, waxaanna markiiba shilkaas ka hawlgalay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, eedaysanihiina wuu xidhan yahay, waana la baadhayaa. Waxa kaloo ay Ciidanka Boolisku soo qabteen eedaysane Shaafici Cali Guuleed oo 27 sanno jir ah, kaasoo waday baabuur Grande ah oo jiidhay dhibbane Xuseen Maxamuud Guuleed oo 50 sanno jir ah, markii uu shilkaasi dhacayna wuu baxsaday, kadibna Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ayaa soo qabtay.”

Waxa kaloo uu tilmaamay in badanka shilalka dhaca ay sabab u yihiin dirawaliinta oo baabuurta ku kaxeeya xawli aad u sareeya, taasoo ay Ciidanka Boolisku sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan, iyagoo bulshada uga digay inay ka digtoonaadaan halista ka dhalata shilalka gaadiidka.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

Hargeisapress@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here