Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay Xashiishado ay qabteen

0
1472

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigtay maandoorayaha xashiishada oo xalay hawlgal ku soo qabteen iyo dhallinhyaro qalabkii ay ku dagaalami jireen ku wareejiyey ciidanka Amniga.

“Ciidanka Boolisku wuxuu ku jira hawlgal aan kala go’alahayn oo uu ku soo qabtay kuwo moobilada booba, Tuugta iyo kuwo maandoorayaasha iibiya, waxaanu xalay soo qabanay sagaal killo iyo badh xashiishad ah, waxaana gacanta ku haynaa gaadhigii lagu waday iyo ninkii watay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Jaamac Cabdilahi”ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka booliska Cabdiraxmaan Fooxle.

Taliye ku xigeenku wuxuu u mahadnaqay dhalllinyaro qalabkii ay ku dagaalami jireen ama dadka ku dhibaateen jireen usoo gudbiyey ciidanka amniga, islamarkaana sheegay in ay hawlihii ay ku jireen ka baxay.

“Waxaan u mahad celinayaa dhallinyaradii kooxaha isku layn jirey oo qalabkii ay ku dagaalami jireen ku soo wareejiyey ciidanka amniga, faashashkii iyo midiyihii iyo wixii qalab ay samaysteen gacanta usoo galiyey ciidanka”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Taliye Fooxle waxa uu ka jawaabay eeddo uu ciidanka usoo jeediyey abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax oo sharci daro ku tilmaamay hoteel habeenkii shaqadda laga joojiyey  iyo bandhigii laga joojiyey fanaaniinta Xiddigaha geeska.

“Idaacada BBC-da waxa war aan sal iyo raad toona lahayn ka sheegay Abwaan Laabsaalax, kaasi oo yidhi dalku wuxuu ku jira nabadgalyo daro, dalku waa nabad dhacdana way dhacdaa ciidanka amniguna waajibaadkooda shaqo ayeey ka qabsadaan dhacdadda dhacda, adigu waxaad u qiil dayeysa hawlo adiga kuu gaar ah oo aanay fanaaniinta kale kula qabin, waxa kale oo aan kula socodsiinaynaa meelaha kale ee aad ku xidhan tahay iyo aflagaadada aad ciidanka booliska u gaysatay qoraalkeeda iyo cadaynteeda waa laga sugayaa, fanaaniinta qaranku amaan ayey naga mudan yihiin, waxaanay umada uga masuul yihiin wacyigelinta dadka balse adigu waxaad u qiil dayeysaa hawlahaagii gaarka ahaa, hoteelada la xidhay waxa loo maray sifo sharci ah.”ayuu yidhi taliye Fooxle oo u jawaabayey Abwaan Laabsaalax.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY