Ciidamo Tiro Badan Oo Maanta Isku Shubay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Waxa Soo Kordhay

0
1155
Xarunta golaha wakiilada

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamo tiro badan oo iskugu jira Boolis iyo Milateri ayaa la sheegay in ay maanta cabasho la hor tageen golaha wakiilada Somaliland gaar ahaana guddiga arrimaha Bulshada ee golaha Wakiilada.

Askartan oo sida la sheegay iskugu jirtay Boolis iyo Milateri ayaa waxay ka cabanayeen Sicir bararka dalka ka jira oo saameeyey noloshoodii iyaga oo sheegay in mushaharaadka ay qaataan ee la siiyo aanay dabarin baahiyahooda nololeed iyo qoysaskooda,waxaana ay cabasho xoogan u gudbiyeen guddiga Arrimaha Bulshada golaha Wakiilada Somaliland.

Ciidamadan ayaa guddigan ka codsaday in si dhakhso ah looga hadlo arrinkooda isla markaana wax looga qabto Sicir Bararkan aafeeyey Bulshada oo ay sheegeen in lacagta Mushaharaadka ah ee ay qaataan inaanay waxba u goyn,iyaga oo xusay inaanay laydhka ku bixin Karin,waxbarashada Caruurta ku bixin Karin,Biilka xaafada ku bixin iyaga naftooda aanay waxba u goynayn.

Guddiga arrimaha Bulshada ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa ciidamadan u ballan qaaday in arrinkooda ay hor gayn doonaan golaha iyaga sidoo kalena la sheegay in ay u ballan qaadeen in cabashadoodan ay gaadhsiin doonaa madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Gabagabadiina sicir bararkan dalka ka taagan ayaa saamayn xoogan ku yeeshay nolosha dadka dan yarta ah,shaqaalaha dawlada iyo waliba Ciidamada qaranka Somaliland,waxaana ay xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay horgaliso go’aamadii ay kasoo saartay Sicir Bararka dalka ka taagan oo maraya halkii ugu saraysay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here