Ciidammada Ammaanka Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Dad iyo Gaadiid si Sharci-darro ah u Ugaadhsanayey Xayawaanka Diinka

0
1388
Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare PHOTO FILE

Xukuumadda oo tafaasiil ka bixisay tirada dad iyo baabuur lagu qabqabtay hawlgallo ballaadhan oo lagaga hortagayey ugaadhsiga diinka 

Hargeysa , (HargeisaPress) —Ciidammada ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay ku dhowaad toban qof iyo gaadiid si sharci-darro ah u ugaadhsanayey xayawaanka diinka oo muddooyinkan dambe weerar baahsan lagu qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo warbaahinta la hadlay Maanta, ayaa sheegay in hawlgal ballaadhan oo ay iska gaashadeen wasaaradaha Horumarinta Reer Miyiga iyo Arrimaha Gudaha oo kaashanayey ciidammada booliska iyo Sirdoonka lagu xidh-xidhay 9 qof iyo laba baabuur oo lagu siday xayawaanka diinka oo ugaadhsigiisu mamnuuc ka yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo shir-jaraa’id wadajir ugu qabtay xafiiskooda, ayaa saxaafadda u soo bandhigay laba laba gaadhi nooca Tukhaanka loo yaqaan iyo lix xayawaanka diinka oo sifo sharci-darro ah looga soo ugaadhsaday degaanno kala duwan oo dalka ah, iyagoo sheegay inay maxkamadda horgeyeen 9 qof oo lagu qabtay falkaas.

Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warbixiyey tirada dadka, gaadiidka iyo diinka kootaranaanka ah ee ilaa hadda gacanta lagu dhigay, waxaannu yidhi; “Waxaannu doonaynaa in aannu ka hadallo arrinka baryahanba soo noqnoqonaya ee diinka ee maalmahanba idaacadaha iyo saxaafadda ku jiray, dadkuna ay iswaydiinayaan. Run ahaantii markii arrinkaasi soo baxay haddii aannu nahay Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Degaanka waannu ka hawlgalay dhammaan gobollada oo dhan si aannu uga hortagno khayraadka dalku leeyahay ee la guranayo, lana dabar goynayo.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mr. Maxamed Cilmi Aadan

“Runtii hawlgallo ayaannu sameynay annaga oo adeegsaneyna wasaaradaha kale ee aannu wada shaqaynta leenahay sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida ciidammada booliska ee gobollada iyo degmooyinkaba waxaanu soo qabqabannay laba kooxood oo diiman wata, waxana ka mida meelaha aannu ku soo qabannay degmada Cadaadlay iyo caasimadda Hargeysa. Hawlgalkaas waxaannu ku soo qabannay ilaa 6 diin oo hadda wasaaradda gudaheeda yaal iyo gaadiidkii aannu ku soo qabannay iyo weliba 9 qof oo iyaguna ah dad lagu soo qabtay oo hawsha diinka kootarabaanka ah fulinayey ama ugaadhsanayey oo iyaguna xidhan, oo aannu Maxkamadda aannu horgeynay, arrintooduna socoto.

Waxa inta dheer waxa jira oo wasaaraddu haysaa Sharcigii Xeer 69/2015-kii la soo saaray ee Xeerka Duurjoogta iyo Kamayaha, xeerkaas oo caddaynaya, wax badanna qeexayana,” ayuu yidhi Agaasime Ilkacase.

“Diinka mudooyinkan in ka badan 2 bilood warkiisu suuqa ayuu ku jiray anagu waxaanu leenahay barnaamij ka baxa Radio-ga iyo Telefishinka Qaranka oo ka hadla degaanka. Arbacadii u horreysay aniga ayaa ka hadlay Radio Hargeysa, waxaanan ka hadlay diinka inay imminka dadkii reer miyiga ahaa ku dhaqaaqeen iyo sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadka arrintan ku kacay. Diinka arrintiisa waxa ka hawlgalay annaga iyo Taliska Bileyska meel kasta oo ay joogaan iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ilaa Ciidanka Sirdoonka Somaliland, ayaa ka qaybgalay oo bal yidhi diinku halku joogo ee laga helaa? Baabuurta lagu qaada waa kuwa noocee ah? Halkee loo iibgeeyaa?” Sidaa waxa tidhi Wasiirka Degaanka Somaliland marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo soo bandhigtay arrimo yaab leh oo ay kala kulmeen, kuna ogaadeen hawlgalladii lagu qabqabtay dadka diinka ugaadhsanayey.

Wasiir Baandare oo ka hadlaysay tirada dadka iyo gaadiidka ilaa hadda lagu qabtay xayaanka diinka ee iibka loo waday, waxa ay tidhi; “Waxa la ogaaday diinku wuu kaadi badan yahay ayaa la yidhi, waxaanay noqotay in baabuurta la uriyo oo la qabto inta hoos loo eego oo urtaa diinka iyo siifadda ay leedahay lagu ogaado.

Runtii nasiib wanaag dadaalkii askarta waxa maanta [shalay] lagu soo qabtay 9 qof, waxana ku jira wiil yar oo isaga loo adeegsaday orod oo lacagta innooga soo qaad oo ahayd marka xaga biyo fadhiisadka iyo jiidda, waxa dhinaca laga keenay waa dad waa rag waaweyn.

“Diimanka hadda dhex yaal wasaaradda waa 6 xabbo, waanay kala waaweyn yihiin, balse diinka qaar baanad dhulkaba ka hinjin karayn oo haddii xata a4 qof isugu tagaan lamaba hinjin karayo diinka aannu soo qabannay ee la soo ugaadhsaday. Diinka midba midka uu ka weyn yahay ayaa ka lacag badan ayaa dadka laga dhaadhiciyey, markaa qof walba wuxuu doonayaan inuu eryado oo mid weyn oo culus inuu soo qaato oo uu yidhaa aniga kaygu waa ka culus yahay kuwa kale ee lacag badan aan helo,” ayey sii raacisay.

“Haddaba, dadkii iibsanayey ee ka iibsanayey dadka imminka lagu soo qabtay weli annagu gacanta kuma hayno, laakiin maxkamadda ayey u taallaa oo kolley su’aalaha la waydiin doona ayey ka mid tahay dadka la soo qabtay yey u wadeen iyo yaa ibsanayey iyo wixii markaa lagu xukumayo maxkamadda ayey u taal oo xeerka 69-ka qodobadda 18 iyo 19 iyo 20/21 intuba duurjoogta Somaliland ayey mid-mid uga hadlaysaa, sharciga ayaana la marin doonaa dadkan la soo qabqabtay. Markaa ummadda waxaannu uga digayna xayawaanka diinka lama ugaadhsan karo, lama iibin karo, cidda lagu qabtana tallaabo sharci ayaannu ka qaadaynaa,” ayey tidhi Baandare.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here