Ciidamada Qaranka Oo U Ruqaansaday Sugidda Xuduudka Iyo Eedaha Ay Is Dhaafsadeen Somaliland Iyo Puntland

0
1636

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada qaranka Somaliland ayaa baacsaday maleeshiyaadka Puntland oo waday daan-daansi dagaal oo ka dhan ah Somaliland, xili uu Garowe ku suganyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Ciidamada Somaliland ayaa gudaha u galay magaalada Tukaraq iyagoo kala eryay maleeshiyaadkii Puntland oo magaaladaas ku lahaa Kastam ay cashuuraha ku qaadaan.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Cabdiraxmaan Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa  dawladda Soomaaliya ku eedeyay in “falal xaalad abuur ah colaad” ay ka waday deegaanada Sool iyo Sanaag-bari. Wuxuu Wasiir Guri-barwaaqo yidhi “Somaliland iyo dadkeedu waxay cadeynayaan in aanay mardambe u dulqaadan doonin xaaladaha noocaas ah diyaarna u yihiin in ay nabadgelyadooda iyo qarankooda difaacaan”, ayuu yidhi Guri Barwaaqo oo BBC u waramay.

Madaxtooyada Puntland oo war saxaafadeed kasoo weerartay xaaladdda Tukarraq ayaa sheegtay in degaankaas ay weerareen ciidamada Somaliland si loo carqaladeeyo booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Garoowe, sida lagu sheegeya war saxaafadeedkaasi.

Inkastoo aanu jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, haddana ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya dhibaatada iyo khasaaraha jira, laakiin xiisadan ayaa imanaysa iyadoo uu Garowe joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaanay Puntland u muuqataa inay daan-daansigan bilowday markii uu Farmaajo Garowe soo gaadhay. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Puntland ujeedadeedu tahay sidii ay u samayn lahayd xaalad abuur.

Ciidamada Qaranka Somaliland ee xuduudaha Sool iyo Sanaag, ayaa la geliyay heegan buuxa, si looga hortago wararka sheegaya damaca uu Mr. Farmaajo ku doonayo inuu booqasho ku yimaado deegaanada Sanaag-bari.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here