Ciidamada Dab-damiska Caasimadda Hargeysa Oo Badbaadiyay Gabadh Uu La Dumay Suuli + SAWIRRO

0
1289

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta Abaaro 1:43 PM waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah laga soo sheegay Xaafada Jacmeeco Weyn ee Degmada Maxamuud Haybe Nooca Badbaadadaa ayaa ahayd Gabadh Suuli ku dhacday waxaana ciidanka looga soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990 ee Ciidanka Dab-demiska.

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa Badbaado, waxaana ay u baxeen goobtii laga soo sheegay iyadoo hawlgalkaa uu Hogaaminayay Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali waxaana markii uu ciidanku gaadhay goobtaas waxaa ciidanku bilaabay Hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo, Hawlgalkaa oo qaatay saacad iyo badh ayaa ciidanku ku guuleystay inay soo badbaadiyaan Gabadhaas ku caddibnayd Suuligaas.

Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali oo Hawlgalkaa hogaaminayay ayaa ciidanka uga mahadnaqay sida hawlkarnimada, kartida iyo shaqo wanaaga leh ee ay u guteen waajibaadka ay qaranka u hayaan iyadoo Hogaanku xusay in ciidanka Dab-demisku aanay badbaadin waxyeelada Dabka oo kaliya balse Ciidanku markastaba heegan u yahay badbaadinta Dabka iyo wixii kalee gargaar Biniaadanimo ku saabsan.

Dadweynihii Goobta joogay iyo eheladii Gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyaan gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo Gurmadkii ay waydiisteen, waxanay sheegeen inay dadaalka ay dadkooda ugu shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.

 

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaada waxaana Todobaadkii u horeeyay Ciidanku soo badbaadiyeen muwaadin Gaadhigiisa uu qaatay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here