Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees

0
1308
Abwaan Cabdiraxmaan Abees PHOTO FECEBOOK

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxa ay goor dhawad xabsiga u taxaabeen Abwaan Cabdiraxmaan Abees, sida Shabakada Wajaalenews ay u xaqiijiyeen dhalinyaro kula sugnayd goobta laga qabtay Abwaanka.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Abwaan Cabdiraxmaan Abees ay Ciidamada Boolisku ay ka qabteen isagoo ku sugan huteelka Like Asal ee magaalada Hargeysa, Iyadoona Abwaanka ay ciidamada Boolisku ku xidheen xarunta CID-da Hargeysa.

Dhinaca kale xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa la xidhiidha bandhig suugaaneed uu ku soo bandhigay dhibaatooyinka iyo tacadiyada ka jira Xabsiyada Somaliland oo uu habeenkii xalay ahayd ku qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here