Chelsea oo Baahisay Qiimaha ay Wembley ku Kiraysanayso Mudada Stamford Bridge la Dhisayo

0
1029

HargeisaPress — Chelsea ayaa shaacisay qiimaha ay rabto inay sannadkii ku kiraysato garoonka Wembley saddexda sanno ee dib u dhiska lagu samaynayo garoonkeeda Stamford Bridge oo ay balaadhin ku samaynayso.

Chelsea ayaa shaacisay inay mudadaas sannad kasta bixin doonto 11 milyan pound si kulamada horyaalka iyo kuwa kale ee ay yeelanayso ugu ciyaarto, isla markaana ka dhigato bedelka Stamford Bridge.

Kooxdan uu leeyahay maal-qabeenka Ruushka u dhashay, ayaa Stamford Bridge ka dhigaysa 60 kun oo kursi, taasoo la sheegay inay qaadanayso muddo saddex sanno, sidaa darteed ayay Wembley u door-bidayaan.

FA-ga Ingiriiska ayaa iyana sheegay inay Chelsea garoonkan ka kirayn doonaan haddii ay kulan kasta ugu yaraan ka soo xaadirayaan 50 kun oo taageere, maadaama uu Wembley ka kooban yahay 90 kun oo kursi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here