Ceerigaabo: Badhasaab Tiimbaro iyo Maayar Ismaaciil Oo Isku Khilaafsan Xaaladda Degdegga Ah

0
1079

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro iyo maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,  ayaa isku khilaafsan xaaladda degdegga ah ee madaxweyne Biixi ku soo rogay  Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag.

Maayarka ayaa ka soo horjeeda xayiraadda halka uu badhasaabku u arko in aanay wax mushkilad ah gobolka ku hayno bandowda la saaray.

Maayarka Ceerigaabo oo Dorraad wax laga waydiiyay xaaladda degdegga ah ayaa arrimo siyaasadeed la xidhiidhiyay arrinta.

Waxaanu yidhi  “Horta marka ay is laynayaan reer Hargeysa iyo agagaarkeeda ama Awdal lama buunbuuniyo laakiin, marka Bariga wax ka dhacaan si fiican baa loo buunbuuniya, khayraadka in nalaga riixayo ayaanu u aragna oo la leeyahay sii riixa awalba anaga oo meel fog joognay”.

Waxaanu intaasi ku daray in dad shisheeye ah lagu laayay meelo ka mid ah Burco ilaa Boorama sidoo kalena dad isku dilaan laakiin, aan la buunbuunin xayiraadna la saarin laakiin, gobolkiisa xayiraad la saaray iyada oo aanay jirin sabab macquul ah.

“Way dhacday in xayiraad la soo saaray laakiin, Ceerigaabo dhib kama jirin, waxna laguma layn, waan maqlayay qolyo reer Gabiley ah oo leh xayiraadda maxaa looga qaadaya Ceerigaabo? Ana waxaan leeyaha xayiraadda Gabiley baa xaq u leh ee anagu xaq uma lihin in nala saaro,” ayuu yidhi Maayar Ismaaciil.

Geesta kale Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro,  badhasaabka  gobolka Sanaag shalay hadlayay ayaa sheegay in aanay jirin wax allaale wax ay xumaysay xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay gobolka Sanaag qaybo ka mid ah.

Ujeedadeeduna tahay in la soo qabto dad dambiileyaal ah waxaanu u digay dadka arrintan mucaaradsan oo uu ku tilmaamay kuwo aan waxba hubsan.

Tiimbarro, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadka qaar baa yidhaahda Xayiraad baa Ceerigaabo la saaray oo waxba noo suuro gali maayaan, wax allaale wax xayiraaddaasi inaga xumaysay oo inaga baaqday ma jirto.

Xayiraaddu haddii la yidhaahdo dambiile ha la soo qabto oo aynu ku marmarsoono marka dambiila la soo qabanayo wax baa naga khaldan waxay u muuqata in aynu inagu taageersan nahay dambiileyaasha, afkeena maaha la inagana maqli maayo, xayiraaddaasi wax ay ka bedeshay sidii hawl maalmeedkeenu u socday ma garanayo anigu”.

Dhinaca kale maayarka magaalada Ceerigaabo ayaa ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo si weyn u dhalliilay xaaladda degdegga ah.

Halka badhasaabku metelayo xukuumadda Kulmiye mana cadda in loolan u dhexeeya labadoodu wax yeelayo xaaladda degdegga ah ee madaxweyne Biixi maslaxadda u arkay inkasta oo baarlamaanku diidmo kala hor yimid.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY