Ceeb Qaran: Gefka Laga Galay Astaanka Dastuuriga ah ee Qaranka Somaliland

0
1389

Madashii Madaxweynuhu ka akhriyey khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo lagu xardhay muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dasruuriga ah

Hargeysa,(HargeisaPress) –Khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ee uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga dul akhriyey goob lagu qurxiyey muqaal foojari ah oo loo ekaysiiyey astaanta dastuuriga ah ee qaranka Somaliland, taasoo ah ceeb qaran iyo gef laga galay astaanta qaranka.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa hore u shaaciyey in hay’adaha dowladdu ay 70% isticmaalaan, isla markaana dhukumantiyada dowliga ah lagu ladho astaan khalad ah oo loo ekaysiiyey Astaanta Qaranka Somaliland.

Sida ku cad qodobka 7-aad ee dastuurka Somaliland, farqaddiisa 2-aad, astaanta qaranka Somaliland waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaanna ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan.  Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhexaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.

Hasa yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland taariikhdu markiin ay ahayd 2 February 2019, waxa uu halkaas ku soo bandhigay farqiga u dhexeeya astaanka saxda ah ee qaranka iyo astaanta kale ee macmalka ah, taasoo uu xusay in hay’adaha dowladdu ay si xooggan u adeegsadaan.

“Waxa aannu runtii idinla socodsiinaynaa halkaas waxa aad ku aragtaan (labadiisa gacmood oo uu labda astaamood sare ugu qaaday) laba calaamadood oo ah astaamihii qaranka. Labadaas astaamood ee qaranka, markii aannu eegnay Hay’adaha dowladda iyo Wasaaraddaha qaranku astaanta qaranka ee ay isticmaalaan, waxa ay 70% ay isticmaalaan astaanka khaldan, markaa labadaas astaamoodba waannu gayn doonaa Golayaasha Qaranka oo dhan iyo Golaha Wasiirradaba, si loogu dhaqmo astaanta saxda ah ee aynu leenahay,” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu.

Waxa kaloo uu soo bandhigay waxyaabaha ay astaantan been-abuurka ah kaga duwan tahay astaanta saxda ah ee qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Tan (astaanta khaldan) waxa dhexda kaga qoran maaha BISINKA ee waa far Faarisi ah (luqadda lagaga hadlo dalka Iran qaybo ka mid ah waddanka Ciraaq iyo dalal kale), Allaahu akbar kagama taalo feedhaha, laakiin wax kale oo sanam ah ayaa ku yaal, waana laba arrimood oo aad iyo aad u kala duwan, laakiin waraaqaha aynu isku dirayno heer qaran waxay u badan yihiin kuwaas khaldan, taasna Insha Allaah waynu sixi doonaa.”

Hasa yeeshee, hadalkaas Wasiirku waxa uu noqday biyo col-dhaanshay, kadib markii astaantaas khaladka ah ee uu hore u soo bandhigay lagu xardhay goobtii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey khudbad-sannadeedkiisa maalintii shalay, iyadoo ay halkaas wada joogeen dhammaanba hay’adaha dowliga ah ee ugu sareeya dalka Somaliland, haddii ay yihiin Golayaasha Guurtida, Wakiillada, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo madax kale oo ka socday hay’adaha dowliga ah, waxaanna ceeb qaran ahayd in Madaxweynuhu khudbad-sannadeedkiisa ka dul akhriyo goob lagu xardhay muqaal gef ku ah astaanta dastuuriga ah ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here