Carwada Sacadadiin Super Market Oo Soo Bandhigtey Dhamaanba Agabka loogu Talo Galey Maalinta Ciida + SAWIRRO

0
1987

Carwada Sacadadiin Super MarketHargeysa, (HargeisaPress) — Carwada Sacadadiin Super Market oo ku taala duleedka buurta kala jeexan ee galbeedka ee magalada Hargeysa ayaa Habeenkii Xaley soo bandhigtay agab tiro badan oo ay dhamaanba ugu tala gashay maalinta Ciida

furitaanka Bandhiga Carwadan ayaa waxaa goobtaasi soo buux dhaafiyey dadweyne tira Badanb oo ka Tukaamaysanayey alaabtaasi Cusub ee la furay xaley sidoo kale Bushadii gobtaasi timid oo aanu Makiri foonka la dhax qaadney ayaa soo dhaweeyey

Alaabtan ay daah furtay Carwada Sacadadiin Super Market agabkan ayaa iskugu jiray Dharka iyo Kabaha Raga .Dumarka Caruurta iyo agabyo kale oo aad u tiro badan ,

 

Dhinaca kale Maamulka Carwada Sacadadiin Super Market ayaa Macmiishooda u Sameeyey Qiimo Dhimistii ugu balaadhneyd gaar ahaan Bisha Barakeysan ee ramadaan

Sida oo kale Maamulka Carwada Sacadadiin Super Market waxa ay balan qaadeen in Carwadu ay socon doonta mudo labaatan maalmood ah oo ku eeg ciida,isla markaasna qiimo dhimis ay samaynayaan saddexda cisho ee furitanka iyo sida oo kale saddexda casho ee u danbeeya.

Khadar Axmed Ciise oo ku hadlay afka hawl wadeenada Carwada Sacaadadiin ayaa ayaa waxaa uu yidhi “ Carwadani maaha markii ugu horaysay ee aanu furno ee sanad walba hadaaya oo kale waanu furnaa,waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa dharkii caruurta, dadka dhaxe iyo kuwa waaweyn,maaha dhar kaliyaata ee waxay wataan kabahii iyo waliba wax yaabahii caruurtu ay ku ciyaari lahaayeen ciida oo aad u cajiib ah,”
Xaruntan Carwada Sacaadadiin ay ka furmatay ee duleedka buurta kala jeexan ee galbeedka Hargeysa,ayaa ahayd mid ceeryoon ah oo dad aad u badan ay isugu yimaadeen wax yar uun ka dib wakhtigii furitaanka

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY