Cambaareyn Mudaharaadka ay ku baaqeen Xisbiga Wadani BY: Abdi. M.Suleiman (Mingiste)

0
901

Waxaan halkan cambaareyn iyo ceebayn uga soo jeedinayaa Xisbiga Wadani oo iyadoo lagu jiro u dayaar garowga 18 May ,ku baaqay in ay mark kale dalka ka abaabulayaan Mudaharaad maalinta Khamiista ee 14 May 2015.
Haddaba waxaan halkan uga soo jeedinayaa Xisbiga Wadani :-
1. Shacabka Somaliland gudaha iyo dibadaba,Xukuumada,Golayaasha,waxay ku mashquulsan yihiin,u diyaar garoowga dabaaldega maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May.Sidaa daraadeed,waa ayaan daro weyn in iyadoo loo dabaal degayo 18 May ay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ku baaqan Mudaharaad,qas iyo rabshado aan loo baahneyn.

2. Waa cadahay in Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,aanay dan iyo muraad ka laahayn, deganaashaha iyo amaanka Qaranka inta lagu jiro dabaal dega 18 May,waxaa kaloo ayaan daro weyn ah in Xisbiga Wadani,ay qiimayn waayaan,tixgelin waayaan qiimaha iyo qaayaha ay leedahay 18 May.

3. Waxaa la gudbood,waajib ku ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,in ay sida ugu dhaqsaha badan uga noqdaan,Mudaharaadka iyo rabshadaha ay ugu baaqayaan taageerayaashooda.

4. Haddii ay deg deg uga noqon waayaan baaqa Mudaharaadka ay ku baaqeen Xisbiga Wadani,Shacabka Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay dhegaha ka furaystaan markale,hana ogaado Shacabka Somaliland in Xisbiga qaderin waayey 18 May,Shacabkana waxaa la gudboon in ay kala noqdaan wixii taareero ah ee ay hayaan Xisbiga Wadani.

 

ALLAA MAHAD LEH

Abdi. M.Saleiman(Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman
Twitter .@_saleiman
Skype. Abdi saleiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here